Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqday Fadhiisinka Jiida Hore ee Ciidanka Qaranka

0
230

Oog (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa booqday jiidda hore ee fadhiisinka ciidanka qaranka JSL ee degmada Oog, ee gobolka Sool.

Waxaana Eng. Faysal, markii uu Oog gaadhay soo dhaweeyay taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, iyo qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamadda qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxaa safarkaasi ku wehelinayay xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, oo kulankaa uu la yeeshay taliyaha ciidanka qaranka iyo u jeedadda safarkiisa ka hadlay ayaa sheegay in waddan na aanu ogolaan karin in dalkiisa dhexdiisa maamul kale laga sameeyo, sidaas darteed aanay Somaliland na aqbalaynin in dalkeedda dhexdiisa maamul laga sameeyo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu tilmaamay in aanay ciidamadda qaranka Somaliland cid na duulimaad ku ahayn, laakiin ay waajib tahay in aynu xuddudeena sugno.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka warbixinayay u jeedadda kormeerka uu ciidanka qaranka ugu tegay waxa uu yidhi “Maanta (isniintii), waxaanu idiinku nimid, anigoo ay ila socdaan xildhibaan reer Awdal ah, iyo xildhibaan reer Saaxil ah, waxaanu u soconaa in aynu tusno, in shacbiga reer Somaliland ciidankiisa qaranka garab taagan yahay.

Aad baanu idiin kaga mahad naqaynaa dagaaladii guusha aad ka keenteen. Imika na waxaan hubaa in aynu guulaysan doono insha Allaahu tacaalaa”.

“Innagu dhulka samayn mayno. Laakiin, xaq waxaynu u leenahay sida wadan kastaaba xaq ugu leeyahay inuu xuduudihiisa sugo, oo midnimadda qarankiisa, iyo midnimadda dhulkiisa u soo celiyo.

Waa na la yaqaa oo idinku inta jeer ee aad dagaal gasheen, mar na ba la idinkuma xaman in aad tacadi, ama Maxbuus ha ahaado, Mayd ha ahaadee in aydaan ku samayn jirin. Maanta in aad niyad jabtaan maaha, shacbigeenu-na wuu idin garab taagan yahay”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu ka taariikheeyay dagaaladii ay hore ciidamadda qaranka Somaliland u soo galeen. Waxaanu sheegay in Somaliland ay mar kasta xaq ku dagaalanto, balse aanay xaq darro ku dagaalamin.

Isagoona xusay in mudadda 15-ka sanadood ah ee ay Somaliland gacanta ku haysay magaaladda Laascaanood in ay si weyn isku bedeshay magaaladu horumar ahaan.

Waxaanu yidhi “Magaaladda Laascaanood markii la qabtay 15 sanadood ka hor, todobaad kadib markii la qabtay ayaan tegay, siday maalintaa ahayd iyo sida maanta dadkaa loo bur-buriyay faraq weyn baa u dhexeeya. Ciidamadeenu 15-ka sanadood ee ay Laascaanood joogeen, weligood lagama soo sheegin wax dhibaato ah. Dulmiga ma naqaano, imika na waa in aan iska ilaalino dulmiga”.

Geesta kale Eng. Faysal, ayaa ciidanka ugu bushaareeyay in ay guusha helayaan, isla markaana shacabka reer Somaliland guddo iyo dibad ba ay si weyn u taageersan yihiin ciidankoodda qaranka.

Isagoo na Carrabka ku adkeeyay in xuduudeenu uu la mid yahay xuduudaha adduunka gaar ahaana wadamadda Afrika.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan idiinku bushaaraynaynaa in aynu guusha helayno, haddii ALLE SWT idmo. Shacbiga reer Somaliland uu idin wada taageersan yahay. Xaq na waxaynu u leenahay xuduudkeenna in aynu sugno. Xuduudeenu xuduudaha adduunka ayay ka mid tahay.

Xuduudaha Ethiopia, iyo Kenya, inoo dhexeeya Malaa’iigi may samaynin, taa markii la sameeyay sanadkii 1885-kii, ayaa xuduudaha Afrika la sameeyay. Xaq baynu u leenahay, waanan tegi doonaa”.

Dhinaca kale guddoomiyaha UCID ayaa fariin u diray Garraadadda, iyo shacabka gobolka Sool, waxaanu ugu baaqay in ay ogaadaan in ay yihiin dad reer Somaliland, isla markaana uu cadow shisheeye ahi ku soo duulay.

Sidaas darteedna ay maanta jirto rejo ah in la isku yimaado oo la wada dhisto Somaliland qurux badan.

“Shacbiga reer Laascaanood, waa shacabkeeniii. Shisheeyaha ku soo duulay, waynu ka dul qaadaynaa. Iyaga na waxaan leeyahay Garraadadda, maanta ayay guuli inoo dhaw dahay, oo ay inoo bilaabmaysaa, shisheeyaha na waynu iska saaraynaa.

Guushii nabadda, iyo Somaliland sidii aynu u qurxisan lahayn, ee Somaliland la wada leeyahay, Cadaalad ku dhisan, sida sharcigeenu sheegayo, aynu dhisan lahayn, waa in aynu ka wada shaqayno.

Laakiin, ma ogolaanayno, oo wadan-na ma ogolaanayo, dalkiisa dhexdiisa in maamul kale laga sameeyo. Taasi wax suurto gelaya maaha” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 

Leave a Reply