Xikmadaha Maanta

0
260
  • Murugada iska jir waayo nafta way gubta, maskaxada way disha, waxay ku tusta dhamaadka nolosha. Waxa kale oo ay farxad galisaa cadowgaaga, waxay muujisaa ducfigaaga, waxay kaa dhigtaa qof liita.
  • Inta aad ka digtoon tahay cadowgaaga, in ka badan iska jir meelaha uu kaa soo gelayo
  • Haddii aad saxan tahay uma baahnid inaad aad xanaaqdo, haddii aad khaldan tahayna xaqba uma lihid inaad xanaaqdo.
  • Dulqaadka aad naftaada u muujisa waa kalsooni, kana aad qoyskaaga u muujisaa waa kalgacal, nooca dulqaad ee aad bulshada kale u muujisaana waa qadarin iyo xushmad.
  • Weliga haka fekirin dhibaato aad soo dhaaftay, waxay kugu abuurta dareen xun, wax soo socdana ha ka fekrin waxay ku gelisaa cabsi mustaqablka ah. Wakhtiga aad joogto ka faa’iidayso.
  • Dhibaato kasta oo aad soo marta waxay ka dhigta qof jabay ama qof sii jiri kara oo xalila dhibta. Hadafkaaga iyo dadaalkaaga ayaa ka dhigaya guulasyte ama fashilme.
  • Ha raadin qof weji qurux badan, laakiin raadi qof qalbi wanaagsan, maxaa yeelay waxa kasta oo qurux badani ma wanaagsana, laakiin wax kasta oo wanaagsani way qurux badan yihiin.
  • Nolosha waa wakhtiyo kooban, Amin kasta sida uu yahay uga faa’iidayso. Qiyaas waxa kuu soo kordhay ama kaa dhacay dhinaca horumarka. Waxa kaa khaldamay ama aad saxday, dhamaan waa in mar walba aad tahay qof dhinac kasta ka miisaaaya oo la socda.

Leave a Reply