Miino ku Qaraxday Carruur isku Qoys ah oo kaalmo u Baahan

0
128

Hargeysa (Dawan) Maalintii sabtidii ee toddobaadkan waxa ay Miino ku qaraxday caruur isku qoysa, oo degan degmada Daara-salaam ee gobolka Maroodijeex.

Carruurtan isku qoyska ahi waa 4 walaalo ah, isla markaana aabahood geeriyooday sannadkan bishii 5-naad, waa reer miyi.

Caruurta ay waxyeelada soo gaadhay waa saddex wiil iyo gabadh, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Jaamac Yaasin, Cabdiraxmaan Jaamac Yaasin, Cabdikariim Jaamac Yaasin iyo Nimco Jaamac Yaasin.

Ubadkan yaryarka ah ee ay masiibadu heshay waxa ugu culus Cabdirisaaq oo da’diisu tahay 12 jir, waxa lagu sameeyay qalin waxaanay dhakhaatiirtu qoyskiisa ku wargeliyay in dhaawaca soo gaadhay uu naafo dhaxalsiiyay.

Dhakhaatiirta la tacaalaysa xaalada Cabdirisaaq ayaa xusay in uu waayay labadiisi indhood, gacanta bidix ay ka goday dhudhunka hoose, calaacasha iyo shanta faroodna ay go’een, sidoo kale wajiga caloosha dhammaan waxa ka gaadhay firidhyadii Miinada.

Qoyskan masiibadu heshay waa qoys duruufaha dhaqaale dabreen ciddii ILLAAHEY dartii u caawinaysa halkala xidhiidho telefoonka walaalkood Idiris Jaamac Yaasin 0634445714 ama E-dahab 0654881336 ama Whats Up-ka 0634445714.

 

 

Leave a Reply