Xukuumadda JSL oo Daahfurtay Habraacyada Tayada Dhismayaasha

0
160

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay s irasmiya u daahfurtay habraacyada ilaalinta tayada dhismayaasha iyo diwaangalinta shirkadaha dhismayaasha iyo injineerada.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mustafe Maxamuud Cali Bille, ayaa sheegay in aanay dalka ka hawlgeli doonin injineero aan wasaaradda liisanka haysani, waxaanu xusay in labadan habraac maanta laga bilaabo lagu dhaqayo dhammaanba shirkaddaha dhismaha ee dalka ka hawlgala.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa sheegay inay wasaaradda hawlaha guud ka caawin doonaan in habka mareegta khadka internetka (Online), in lagu diwaangeliyo shirkaddaha iyo injineerada.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaha hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, ayaa sheegay inay dib uqiimayn ay ku sameyn doonaan dhammaan shirkaddaha dhismaha ee dalka ka hawlagala.

Wasiiir Bile waxa uu yidhi..“Maanta laga bilaabo dhisme danbe oo dalka la iska dhisaya majiro, injineer aan liisan wasaaradda ka haysana dalka ka shaqayn maayo, oo wax iska dhisi maayo, labada habraacna maanta laga bilaabo waxa aanu ku dhaqayna shirkadaha dalka wax ka dhisa dhammaantood.”

Wasiir Bile oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray.”Habraacyadani maanta oo la shaaciyay ayay hirgalayaan, laga bilaabo sacadaasi waa habraac la isticmaalayo waana sharci jira.

sideedaba haddii shuruucdu ka soo baxaan faafinta rasmiga ah ee garyaqaanka guud waxa uu noqonaya sharci jira oo la isticaamalayo, dhibaatada dhismayaasha innooga timaadana way badan tahay, mid nafeed ayaa ka timaada, mid dhaqaale ahaan ayaa ka timaada, mid macanawiyana ayaa ka timaada, dhammaan dhismayaasheenu waxa ay dafirayaan qayb dhan oo mushtamaca ka mida, waana dadka naafada ah ama baahiyaha gaarka ah qaba”

Agaasimaha guud ee wasaaraddaha hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, ayaa sheegay inay dib uqiimayn ay ku sameyn doonaan dhammaan shirkaddaha dhismaha ee dalka ka hawlagala.

Waxaanu yidhi. “Maanta waxa aanu Daahfuray laba habraac oo kala ah habraaca shirkadaha dhismaha iyo Injineerada, iyo habraaca tayada ilaalinta dhismaha, howshana muddo sanad ah ayaanu soo wadnay.

Waxaan sirasmiya shaaca uga qaadaya in aanu dib ugu noqonayno dhammaan shirkaddaha dhismaha ee dalka, haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa sheegay inay wasaaradda hawlaha guud ka caawin doonaan in habka mareegta khadka internetka (Online), in lagu diwaangeliyo shirkaddaha iyo injineerada.

waxaanu yidhi. “Labadan habraac waxa ay kor uqaadayaan kor joogteynta ay wasaaraddu ku leedahay, in la helo dhismayaal la isku halayn karro.

Wasaaradda hawlaha guud waxa aanu ka caawin doona, in ay nidaamka Online-ka ah shirkaddaha dhismayaasha iyo injineerada dalka ku diwaangeliso, waana hanaan ay wasaaradda isgaadhsiintu curin doonto”

“Injineerku wuxuu dilli karaa hadduu khaldamo dad fara badan, taas inay maanta wasaaradda hawlaha guud xalisay waa guul, dadkii iyo shirkadihina kala badbaadisay, qarankiina guul gaadhsiisay”Ayuu yidhi maareeyaha guud ee hay’adda Waddooyinka Somaliland.

 

 

Leave a Reply