Cutubyo Cusub oo ka Tirsan Ciidanka Qaranka JSL oo Gaadhay Oog

0
249

Ciidanka qaranku waa mid adkaysi leh waana ciidan asluub wanaagsan leh” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliand

Oog (Dawan) Cutubyo ka tisan Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo tababar ku soo dhamaystay dugsiga tababarka ciidamada ee Magaalada Sheekh ayaa shalay gaadhay taliska Ciidamada qaranka ee Magaalada Oog.

Munaasibad shalay lagu qabtay taliska Ciidamada qaranka ee Magaalada Oog oo lagu soo dhawaynayay Ciidamadan tababarka soo dhamaystay ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeyo gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada qaranka Somaliland ay yihiin qaar adkaysi u leh duruuf kasta oo la soo gudboonaata, waxaana uu yidhi “Ciidankan ka soo baxay tababarka waxa aanu idiku soo dhawaynaynaa taliska Ciidamada qaranka ee Oog oo ay joogaan Ciidamadii qaranka ee idinka soo horeeyay, waxana aad tihiin ciidan cusub oo dardartiisii qaba oo ciidanka qaranka ku soo biiray. Ciidanka qaranka waa mid adkaysi leh, adkaysigu maaha dagaalka oo qudha ee ciidanka qaranka Somaliland waa ciidan asluub wanaagsan leh”.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo isaguna hadal ka jeeediyay halkaas ayaa uu sheegay in Laascaanood laga xorayn doono cadawga ku soo duulay waxaana uu yidhi “Gobalka Sool cadaw ayaa ku soo duulay, waana aynu ka saari doonaa cadawgaas, waxaana aan farayaa dhammaan shacbi weynaha reer Somaliland in ay dhammaantood ciidanka qaranka garabistaagaan, waxaanu Ciidanka qaranku naftiisa u hurayaa in qofka Hargeysa jooga ilaa Saylac iyo ka Laaacaanood joogaa si uu nabedgalyo ugu seexdo. Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland-na waxaan u rajaynayaa guul”.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in ay garabtaaganyihiin Ciidanka qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi “Waanu idin garabtaaganahay oo waanu idin garabsoconaa, dhamaan shacabka Somaliland wuu idin garabtaaganyahay aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin”.

Taliyaha Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland kula dardaarmay in ay hawl gal adag la galaan cadawga Somaliland, waxaana uu yidhi “Waxa aan idiin rajaynayaa in hawl gal adag ciidanka la gashaan oo guul keena, oo maalintaa maalinteeda meel aynu ku faraxno gaadhsiiya ayaan rajaynayaa aniguna intaas waan idila soconayaa”.

 

 

 

Leave a Reply