JSL oo Imtixaan ka Qaadaysa Macalimiin Tiradoodu kor u Dhaafayso Shan kun

0
255

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa si wada jir ah u shaaciyay in 5,221 oo Shaqaale ku meel gaadh ahi ay gali doonaan imtixaanka, isla markaana la doonayo inay soo gudbaan 600 shaqaale, isla markaana shaqaale rasmiyana loo qaadan doono.

Shaqaalaha imtixanka gali doona waxaa macalimiin ah, 4,859 halka 362, ay noqon doonaan shaqaalaha xarumaha wasaaradda waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda JSL, Mudane Khaalid Jaamac qodax, ayaa ka hadlay shuruudaha iyo nidaamka loo qaadanaayo shaqaalahan isugu jira barayaasha dugsiyada dawladda iyo shaqaalaha goobaha waxbarashada ka hawlgali doona, waxaanu ku adkeeyay inay soo dhammeystiran wixii shuruudo ah ee ku xidhan gelista imtixaanka.

Leave a Reply