Dastuurada Cimriga Dheer Ee Caalamka

0
168

Hogaamiyahii kooxihii dagaalkii sokeeye ee ugu adkaa ee dalka Maraykanka, kaas oo ku dhamaaday ismariwaaga  Mr. Gorge Washington ayaa markii laga heshiiyay joojinta dagaaladii sokeeye go’aamiyay in la dhiso dal cusub oo leh xuduudo u gaar ah.

 

Mr. Washington waxa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha gudida diyaarinaysay isla markaana qoraysa dastuurka Jamhuuriyadda cusub kaasi oo ah manta Distoorada ugu da’da weyn uguna cimriga dheer. Washington si adag ayuu ugu dhiiraday samaynta dastuurkaasi.

 

Gorge Washington waxa uu soo shaac baxay ka dib dhamaadkii dagaalkii sokeeye isagoo ahaa hogaamiye dagaal, laakiin dhamaantooda dhinacayadii dagaalamayay waxa ay u arkayeen hogaamiye weyn oo iyaga ka tirsan. Waxaana ay jeclaayeen inay u caleemo saraan dalka cusub hogaankiisa.

George Washington ayaa doorbiday inuu iska casilo xilkii hogaanka ciidanka ee dagaalyahandii si uu seeska ugu dhigo jamhuuriyadda cusub ee dhalatay sanadkii 1794 taasi oo loogu magac daray Jamhuuriyadda federaalka Maraykanka.

Gorge Washington wuxu noqday madaxweynaha Maraykan sanadkii 1789, iyadoo laba xilli doorasho oo isku xigana la doortay , waxaan uu noqday madaxweynihii seeska u dhigay ilaa wakhtigan in dalka Maraykan hogaankiisa  lagu tartamo doorashooyin xor ah ka dib markii boqortooyinka iyo dadkii awooda ciidanka haystay laga xoreeyay,

Washington iyo dadkii wakhtigaasi la noolaa waxay colaadii iyo dagaaladii ka doorteen inay dhisaan Jamhuuriyad xoog ah oo dunida u hogaamisa, waana ay ku guulaysteen, waxa ay dhiseen dawladda Maraykan oo maanta dhaqaale iyo cudud ciidanba dunida hogaamisa. Bulsho kasta marka ay isku tashato waa ay gaadhi karaan hadafka ay rabaan.

 

 

 

Leave a Reply