Dooda Fikiradaha Iyo Niyadda Wanaagsan!

0
133

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal inaad fikrada la falanqaynayo ka hadasho, haku fakirin dad ama ashkhaas gaar ah inaad ka doodo. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, doodaasi jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn.

Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya marka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxay taagan tahay kolka aad dad ceebahooda iyo boogahood aad faraha la gasho, ee ay taadu ku muuqan weydo iyadoo kaba badan kuwa aad soo faqday.

Waayo qofka ku nuux nuuxsada ka doodista goldaloolada dadka badbaadadiisu way yar tahay, arimihiisuna way kala daataan; xasadkiisuna wuu bataa maxaa yeelay qof kasta waxa uu leeyahay ceebo aan isaga u muuqan.

Sidaa darteed, arintaa ku baraarug oo adigu isku mashquul ka hor inta aanad cidkale kale dul onkodin. Ka mid ahaw kuwa caqliga badan, ee afgaabnida ku hanta haybada goobta ay joogaan iyo dadka ay la nool yihiin. Ka mid noqo kuwa caqliga badan oo ashkhaas haka doodine, afkaar ka dood. Han noqon qof sameecadda la saaxiib ah oo maalin kasta qof dhaleecaynaya isagoo kuwiisu is dul tuulan yihiin.

 

Leave a Reply