Yuhuudiga Tobanaanka Sanno Iimaamka ka ahaa Masjid ee Dadka Tujin Jiray Salaadaha

0
168

Dukumenti ay Israa’iil shaacisay dhawaan oo lagu hayey arkiifiyada dawladda ayaa ka hadlaya sheekada nin Israa’iili ah oo asalkiisu Beershiyaan yahay, kaasoo muddo sanooyin ah mu’addin ka ahaa magaalada N’djamena ee xarunta dalka Chad oo loo aqoon jiray Fort Lamy.

Dukumentiga waxaa ku jira warqad uu soo diray diblomaasi Israa’iili ah oo Africa ka soo shaqeeyey 1962kii, wuxuuna dukumentiga sheegayaa arrintaas sirta ahayd ilaa wakhti aan fogey nee la xiriirta qofka kaliya ee Israa’iiliga ah ee ku noolaa Chad.

Aryeh Lourie oo arrimo fuliye ka ahaa mid ka mid ah safaaradaha Israa’iil ayaa warqd u soo diray 30 September 1962 waaxda bariga dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil. Warqadda wuxuu ku sheegay in uu jiro qof reer Israa’iil ah oo mu’addin ka ah N’djamena.

“Waxaan ogaaday inuu yahay qofka kaliya ee Yuhuudka ah ee jooga Chad” ayuu warqadda ku qoray.

Wuxuu sheegay in George Hamdani oo ah nin reer Beershiya ah, kana soo jeeda magaalada Beershiya ku taalla ee Hamdan uu yimid Fort Lamy wakhti rubuc qarni laga joogo.

Xilligaas waxaa magaalada ku noolaa dad dhamaantood muslimiin ah, kuwaasoo markaas dhameeyey dhismaha masaajid aad u weyn , waxayna baadigoobayeen wadaad muslim ah oo dadka ugu yeera salaadaha, isla markaana salaadaha jameecooyinka tujiya.

BAcdamaa aysan helin qof kaalintaas buuxiya, Hamdan ayaa ku yaboohay inuu hawshaas qabanayo, isagoo sheegtay inuu yahay qof muslim ah.

Codka uu ku addimayey ayaa aad looga maqli jiray magaalada – gees ka gees – maalin kasta, wuxuuna dadka tujin jiray salaadda Jimcaha.

Wuxuu hawshaas waday ilaa iyo 1943kii, sannadahaana wuxuu uruursaday dhaqaale fara badan oo ay ku jiraan ilaa 40 guri, laba Hotel, shineemo, iyo hanti kale.

“1943kii wuxuu dhakhsiyo leh u joojiyey inuu aado masjidka, wuxuuna dadkii isaga ku xirnaa ku wargeliyey inuu yahay qof aaminsan diinta Yuhuudda” ayuu laurie ku sheegay qoraalkiisa.

“Tani waxay dabcan abuurtay in xilligaa warka aad la iskula dhex qaado magaalada gudaheeda, laakin waa goor uu Hamdan noqaday nin maal qabeen ah oo dhinac marka laga eego ay jiraan dad asaga ilaaliya oo ay dan ka dhaxayso, iyo dhaqanka afrikaanka oo dhanka kale ah mid aysan dadku si aad ah dadku qaliga ugu qaadin waxa markaa dhaca. Sidaa darted, arrintii waa la iska illoobay, tiro badan oo dad ahna waxay aqoonsan yihiin hawshii uu u qabtay Muslimiinta Fort Lamy”.

“Danjiraha wuxuu sheegay in uu rajeynayey inuu ku qanciyo Hamdani inuu wax taro dadkiisa, sida inuu maalgeliyo dhisme ay ku shaqayso safaaradda Israa’iil ee Chad, iskuul ay wax ku bartaan carruurta waalidiintood ay ka soo jeedaan Beershiya, iyo inuu ugu yaraan taageero dhaqaale u diro sanduuqa dhaqaalaha qaranka ee Israa’iil” ayuu qoralka ku sheegay Laurie.

Wuxuu intaa ku sii daray “waan ogsoonahay in walow uu Hamdan dhisay guryo lagu raaxaysto in uu misna ku nool yahay muddul dhoobo ka samaysan, sidii uu 25kii sano ee dambaysay u noolaa, ayadoo dakhliga ka soo gala dhismayaashiisa uu gaarayo 12 malyan oo ah lacagta CFA, taasoo u dhiganta 150,000 oo giniga Israa’iil ah bishiiba”. Wuxuu kaloo ninkaas warqadda u diray safaaradaha Israa’iil ee Tehran iyo Paris.

 

 

 

 

Leave a Reply