Saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Mali oo weerar lala bartilmaameedsaday

0
156

Ciidamada ayaa sheegay in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday mid ka mid ah saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Gao ee waqooyiga dalkaasi.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa maalin uun ka dib markii mintidiin Islaami ah ay dileen in ka badan 60 qof oo rayid ah kadib markii ay weerar ku qaadeen doon ay la socdeen oo wabiga mareysay.

Kor u kaca rabshadaha ayaa sidoo kale daba socda ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee gobolka.

Koox xiriir la leh Al-Qaacida ayaa qirtay mas’uuliyadda laba weerar oo dhacay Khamiistii: mid ka mid ah doonida, iyo mid kale oo lagu qaaday goob ciidan.

Maali waxaa hadda ka arrimiya dowlad milatari ah kuwaas oo xukunka la wareegay 2021-kii, iyagoo ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan ammaanka.

Waxay jartay xiriirkii ay la lahayd xulafadeeda hore ee reer galbeedka, waxayna ku casuuntay Kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka si ay gacan uga geystaan ​​la dagaalanka kooxahan.

Balse tillaabadaasi ma noqon mid lagu guulaysto, waxaana Mali ay hadda ka mid tahay dalalka ay ka dhacaan weerarada argagaxisada ah ee ugu badan caalamka.

Leave a Reply