Magaalada labaad ee ugu Weyn UK oo Musallaftay

0
254

Magaalada labaad ee ugu weyn Boqortooyada Ingiriiska – Birmingham, ayaa ku dhawaaqday in ay musallaftay oo ay kacday. Haddii si kale loo dhigo, magaaladu waxay ku guul darraysatay in ay iska bixiso kharashaadka ku baxaya hawlaha ay dadweynaha u qabato.

Warkan ayaa naxdin ku noqday dadka, wuxuuna qof waliba bilaabay inuu ka walwalo amaba uu weydiiyo su’aalo ku saabsan sida ay u saameynayso adeegyada ay magaaladu u fidin jirtay, balse marka hore aan eegno sida ay magaaladu u kacday.

Qarashka ay bixiso magaaladu ayaa wuxuu ka sare maray dakhliga soo gala, balse xaaladda dhaqaale ee hadda magaaladu ku sugan tahay ayaa ka dhalatay dhibaatooyin soo socday muddo dhowr iyo toban sano ah.

Bishii afraad ee sannadkii 2010, shan kun oo shaqaalaha golaha degaanka ah oo u badnaa dumar ayaa magaalada kaga guulaystay dacwado la xiriiray mushaharka oo aan sinnaan loo bixin.

Waxa la maqlay in shaqaaliha ay ka midka yihiin kaaliyeyaasha, Macallimiinta iyo shaqaalaha cuntada, aysan helin gunnooyinka la siin jiray shaqaalaha qabta shaqooyinka ay raggu u badan yihiin, sida kuwa qashinka qaada iyo nadiifiyeyaasha waddooyinka.

Tan iyo markaas, goluhu wuxuu bixiyey kharash gaaraya £1.1 bilyan oo gini oo u dhiganta $1.3 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo dhammaan kaga baxday cabashooyinka sinnaan la’aanta Mushaharka waxaana hadda lagu leeyahay £760 milyan oo gini oo looga guuleystay dacwado sinnaan la’aan mushaharka ah. Waxaa intaa dheer in tani ay sare usii kacayso £14 milyan oo gini bil walba.

Hadaysan intaas musallaf ugu filnayn, waxay magaaladu wajahday dhibaato kale oo uga timid nidaam teknoolaji oo ay la wareegtay kaas oo la filayey inay ku baxdo £19 milyan oo gini balse ku kici doona £100 milyan oo gini marka la rakibo.

Hoggaanka goluhu waxa uu tilmaamay culaysyo kale oo saaran miisaaniyadiisa sida: korodhka baahida daryeelka bulshada ee dadka waaweyn, hoos u dhaca dakhliga ganacsiga, saamaynta sicir bararka iyo dhimista maalgelinta dawladda hoose.

Siday u saameyneysaa dadka ku nool magaalada?

Ugu horeyn waxay dadku la kulmeen niyad jab ku aaddan hubanti la’aanta ah dhibaatooyinka rasmiga ah ee ka dhalan kara iyo waxa ay ka dhigan tahay in ay magaaladu kacday.

Golaha deegaanka oo isku dayaya inaysan dadka didin ayaa wajahaya su’aalo badan oo lagu dalbanayo inay faahfaahiyaan adeegyada joogsan doona.

Golaha deegaanku wuxuu bulshada magaalada u fidiyaa adeegyo aasaasi ah oo haddii ay meesha ka baxaan ay ka dhigan tahay in golihiina meesha ka baxay. Adeegyadan waxa lagu sheegay in lagu qasban yahay inay sii shaqeeyaan, waxaana ka mid ah:

Adeegyada waxbarashada

Ilaalinta carruurta iyo daryeelka bulshada

Daryeelka bulshada ee dadka waaweyn

Ururinta qashinka/xashiishka

Qorshaynta iyo adeegyada guriyeynta

Dayactirka waddooyinka (ma aha waddooyinka waaweyn ama inta badan waddooyinka heerka A)

Adeegyada maktabadaha

Laakin waxa ay la macno tahay in ay u badantahay in la dhimo adeegyada kale kuwaas oo goluhu u arko in ay yihiin “wax aan aasaasi ahayn”. Wali ma cadda waxa ay yihiin.

Adeegyada wajahi kara dhimista miisaaniyadooda waxaa ka mid ah nadiifinta waddooyinka, beeraha nasashada iyo dayactirka, adeegyada dalxiiska, adeegyada carruurta ee aan oo hoos imaanayn daryeelka bulshada, maktabadaha iyo xitaa inta jeer ee qashinkaaga laga qaado xaafada oo la dhimo karo.

Geoff Winterbottom, madaxa cilmi-baarista iyo siyaasadda ee Sigoma, oo matalaya 47 maamul magaalooyinka England, ayaa sheegay in goluhu sidoo kale kor u qaadi karo canshuurta si uu wax uga qabto dhibaatooyinkiisa dhaqaale.

Hadda golayaashu waxay ku kordhin karaan oo kaliya canshuurta maxalliga ah ugu badnaan 5 boqolkiiba iyada oo aan afti loo qaadin. Si kastaba ha ahaatee, halista dhaqaale awgeed, Geoff wuxuu sheegay in goluhu ka codsan karo dawladda inay u ogolaato inay sare u qaadaan canshuurta wax ka badan boqolkiiba 5 iyada oo aan la marin afti dadweyne.

BBC-da ayaa waydiisay golaha deegaanka Birmingham haddii ay hayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada la dhimi karo ama la joojin karo….waxa ay si fudud mar kale ugu celiyeeen in ogeysiisku saameynayo dhammaan kharashaadka cusub, marka laga reebo ilaalinta dadka nugul iyo adeegyada sharciga ah oo si degdeg ah loo joojinayo.

”Adeegayada muhiimka ah ee ay dalwddu bixin jirtay wax sameyn ah ku yeelan mayso, sida daryeelka bulshada oo kale,” ayuu yiri Maxamed Aw Yussuf Xuseen oo ah xubin ka tirsan shaqaalaha golaha deegaanka ee magaalada Birmingham oo ay BBC-du waraysatay.

”Waa laga yaabaa meelha qaar in la eego golaha gudihiisa meelaha shaqa dhimista lagu samayn karo iyo adeegyada kale ee aan muhiimka aad u ahayn lacagayowgii lasiin jiray oo kale ayaa laga yaabaa inay saamayso.” Ayuu sii raaciyey Maxamed.

Dhacdooyinka caanka ah, sida Suuqa Kirismaska ee sanadlaha ah, waxay noqon karaan kuwo halis ku jira maadaama goluhu uu eegayo inuu dheellitiro buuggiisa.

Waxaa sidoo kale su’aalo la iska weydiinayaa tartanka qaramada Yurub ee sannadka 2026, kaasoo lagu wado in lagu qabto magaalada Birmingham iyo waxa laga yeelayo.

Golaha magaalada Birmingham ayaa qaylo dhaan u dirsaday dowladda dhexe iyaga oo raacaya xeer loogu tala galay dhadadan oo kale si aysan u joogsan adeegyada ay magaaladu u fidiso dadkeeda, waxaana la filayaa inay dowladda dhexe kabitaan u samayso.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply