Xukuumadda oo Beenisay Warar Soomaaliya ka Faafisay Jaamacadaha Dalka

0
220

Jaamacadaha Cammuud, Hargeysa iyo Burco waa Somaliland, qeybna kama aha shirarka iyo arrimaha Soomaaliya”. Prof Saleebaan Dirir

 

 

Hargeysa-(Dawan):- Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare ayaa shaaca ka qaaday inaanay waxba ka jirin warar Jaamacadaha dalka la xidhiidhiyey inay ka qeybgaleen shir ka dhacay magaalada muqdisho, ee dalka Soomaaliya.

 

Warar ay baahiyeen warbaahinta Soomaaliya qaarkood Arbacadii ayaa lagu sheegay in Jaamacadaha Cammuud, Hargeysa iyo Burco ay ka qeybgaleen shir lagaga hadlayey tacliinta Sare ee Soomaaliya.

 

Laakiin, komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa beeniyey jiritaanka wararkaas.

 

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare Prof Saleebaan Dirir Cabdi oo u waramay Wargeyska Dawan ayaa sheegay in wararka la xidhiidhiyey Jaamacdaha dalka  ka qeybgalka shirka Soomaaliya im aanay xaqiiq ahayn.

“Jaamacadaha Cammuud, Hargeysa iyo Burco waa Somaliland, qeybna kama aha shirarka iyo arrimaha Soomaaliya. Wararka la xidhiidhinaya ka qeybgalka shirka Muqdisho waa kuwo been ah.”

 

Hadalka Guddoomiyaha Komishanka Prof Saleebaan ayaa meesha ka saaray shaki bulshada qaarkood ka qaadeen wararka ay faafiyeeen warbaahinta Soomaaliya qaarkood todobaadki  hore.

 

Leave a Reply