Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo la Wareegay Deeq Xoolo ah oo Loogu Talo galay Ciidanka Qaranka

0
130

Laasa-dacawo(Dawan) Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa deeq xoolo ah kala wareegay Bulshad aiyo wax garadka Deegaanka Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil, deeqdan xoolaha ah ayaa dadka deegaanku ugu talagaleen ciidanka Qaranka ee jiida hore ee Oog.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo hawlo shaqo ku tagay deegaanka Laasa-dacawo ayaa la kulmay duqayda iyo cuqaasha deegaanka oo ciidanka qaranka ku taageeraay deeq xoolo ah.

Bulshada deegaanka oo madasha deeqda xoolaha ah ay ku wareejinayeen ka hadlaya ayaa sheegay in deeqdan xoolaha ahi ay dhan tahay 246 neef oo adhi ah, taasi oo ay ku taageerayaan bulshada deegaanku ciidamada qaranka ee Oog ku sugan.

Cuqaasha iyo waxgaradka Deeganka Laasa-dacawo ayaa sheegay inay naf iyo maalba la garab taagan yihiin ciidanka qaranka, isla markaasina ay ka soo hor jeedaan cid kasta oo ka shaqaynaysa wax yeelada ciidamada, sidoo kale waxa ay sheegeen inay markasta la garab taagan yihiin ciidanka qaranka wax kasta oo looga baahdo.

Sidoo kale waxgaradkan ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan dawladnimada iyo wada jirka bulsho, si bay yidhaahdeen uu dalku hore ugu socda, loona gaadho himilada qarankani hiigsanayo.

Gabo’gabadii gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi(Cali Case) oo madashaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay bulshada ku nool deegaanka Laasa-dacawo sida wadaniyada leh ee ay taageerada ugu muujiyeen ciidanka qaranka, waxaanu ka gudoomay deeqdaasi xoolaha ah ee caddadkeedu dhan yahay 246-ka neef.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa sheegay in aanay ahayn deeqdii u horeysay ee ay ka gobol ahaan ay ku taageerayaan Ciidanka Qaranka, balse ay marar hore u geeyeen taageero balaadhan ciidanka qaranka, waxa kale oo uu sheegay in dhawaana ay u gayn doonaan ciidanka qaranka deeqdii ugu badnayn ee ka gobol ahaan ay ugu talogaleen ciidanka qaranka.

 

 

Leave a Reply