Gabiley: Bulshadda Degmadda Agabar Oo Xoolo Nool Ku Caawiyay Ciidamadda Qaranka

0
145

Gabiley (Dawan): Maamulka gobolka Gabiley ayaa shalay bulshadda degmada Agabar ee kala wareegay caawimo ay ugu tallo galeen  ciidamadda qaranka JSL ee difaaca dalka u jooga jiidaha gobolka Sool.

Caawimadaasi oo isugu jirtay xoolo nool oo dhamaa 140 neef oo Adhi ah, iyo 100 Jawaan oo Khudaar ah, taasoo  oo la gaadhsiin doono ciidanka Qaranka.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gabiley Guuleed,  oo taakuladaasi kala wareegay maamulka, odayaasha, iyo waxgaradka degmadda Agabar, ayaa uga mahad celiyay caawimadani.

Waxaanu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee bulshadda degmadaasi ay taakulo ugu deeqaan ciidamadda qaranka Somaliland, isla markaana uu ka rejaynayo in ay sii wadaan taakuladaasi.

“Waan uga mahad celinaynaa bulshadda degmadda Agabar, caawimadan ay ugu tallo galeen ciidamadda qaranka Somaliland.

Ma aha markii koowaad ee ay bulshadda degmadani caawiyaan ciidamadda qaran, sidoo kalena noqon mayso markii u danbaysay” ayuu yidhi guddoomiye ku-xugeenka gobolka Gabiley.

Sidoo kale guddoomiyaha degmadda Agabar, oo caawimadani ku wareejiyay maamulka gobolka Gabiley ayaa sheegay in kaalmadan ay kaga qayb qaadanayaan taageeradda ciidamadda qaranka JSL.

Isagoo tiradda iyo noocyadda caawimadaasi ka warbixinayay na waxa uu yidhi “Adhiga tiradiisu waa 140 neef. Khudradu na waa 100 Kiish. Waxaanu kaga qayb qaadanaynaa taakulaynta ciidamadda qaranka”.

Geesta kale Odayaashii iyo waxgaradkii xoolaha, iyo khudradda ku wareejiyay maamulka gobolka Gabiley ayaa sheegay in ay si buuxda u garab taagan yihiin ciidamadda qaranka.

Waxaanay tilmaameen in ay ka go’an tagay naf iyo maal ba in ay kaga qayb qaataan taakulaynta ciidamadda qaranka ee jiidaha gobolka Sool difaaca kaga jira.

 

 

 

 

 

Leave a Reply