Haweenka ku ganacsada Sariibada Hodan ee Hargeysa oo taakulo gaadhsiiyay Ciidanka Qaranka JSL

0
143

Hargaysa (Dawan) Haweenka ku ganacsada Sariibada Hodan ee Magaalada Hargaysa ee hore loo odhan jiray Cali Maaweel ayaa taageero u muujiyay ciidanka qaranka ee ku sugan jiida hore ee Oog, waxaanay ku ugu deeqeen deeq ka kooban alaabo kala duwan sida cuntada, gososha iyo waxyaabo kale.

Haweenkan ganacsatada aha ayaa ah kuwo si iskood ah isku soo abaabulay, isla markaasi ay maankooda ka timi inay garab joogsadaan ciidankooda qaranka, kuna taageeraan wixii ay hayaan ama awoodaan.

Ganacsatada Sariibada Hodan oo ku taala Degmada Ibraahim Koodbuur ee Hargaysa ayaa ku dhiiraday inay deeq gaadhsiiyaan ciidanka qaranka, si ay tusaale ugu noqdaan Sariibadaha kale eek u yaala Caasimada iyo qaybaha kale ee dalka.

Qaraa ka mid ah Hooyooyinka ku ganacsada Sariibada Hodan ee Hargaysa ayaa ka waramay deeqdan ay ugu talogaleen inay ku taageeraan ciidanka qaranka waxaanay sheegay in deeqdani tahay mid ka kooban waxyaabo badan taasi oo ay sheegeegeen inay gudoonsiinayaan ciidanka qaranka.

Hooyo ka mid ah Hooyooyinka ku ganacsada Sariibada Hodan oo ka waramaysa deeqdan ay ugu talagaleen ciidanka qaranka ayaa waxa ay tidhi

‘’Maanta waxa aanu joognaa Xaafadda Ibraahim Koodbuur gaar ahaan suuqa Jaamac Gunti, Sariibada Hodan, halkan waxa aanu uga raraynaa ciidanka qaranka taakulo nooc kasta leh oo isku jirta, ciidanka qaranka ayaanu u raraynaa, ciidanka qaranku meel kasta oo uu joogo waan hambalyaynayaa, waanan u ducaynayaan mar kasta, Jananka ciidanka waan hambalyaynayaa iyo dhammaan saraakiisha iyo askartaba.

Ciidanka qaranka waxaan leeyahay gobeey lii coo ha jabin, waxba maydaan noqonin waa dagaal waa bar cad iyo bar madaw, barta cad baad ku guulaysanaysaa beritoole, waa inoo Garoowe.

Ciidanka qaranka waxaanu leenahay Hooyo dhiigiina ayaanu ku seexanaa idinkaanu idinku gamanaa, geed damal hadhwayn baa tihiin, daruur da’aysa ayaa tihiin.

Deni waxaan leeyahay in Madaxwayne Biixi nool yahay walee hurdo seexan maysid oo gam’a waa kaa xaaraan’’

Gabo’gabaddii Hooyooyinka ku ganacsada Sariibada Hodan ee Magaaladda Hargaysa  ayaa sheegay in aanay halkaa ku daynayn taakulayta Ciidanka qaranka balse ay markasta la garab taagan yihiin wixii taageero ah ciidankooda qaranka.

 

Leave a Reply