Guddoomiyaha Jaamacadda Admas ee Hargaysa oo Hanbalyeeyay Ardayda Imtixaanka Shahaadiga Ka Gudbay

0
100

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha jaamacadda Admas faraceedda magaaladda Hargaysa, ayaa hanbalyeeyay dhamaanba ardayda ku guulaystay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland.

Xuseen C/laahi, waxa kaloo uu hambalyo iyo bogaadin u diray waalidiinta, iyo macalimiintii ku soo tabcay aradyda dhamaysatay waxbarashadda dugsiyada sare, iyo dhexe.

Waxaanu yidhi “Waxaan hanbalyo iyo duca ba u dirayaa guud ahaanba ardayda ka qalin beselatay dugsiyadda sare ee dalka, ee isku diyaarinaya in ay jaamacadaha galaan, iyo ardayda ka qalin bedelatay dugsiyadda dhexe ee fasalka 8aad, ee iyagu na isku diyaarinaya in ay galaan dugsiyadda sare”

“Waa midho muddo dheer lagu soo tabcayay, waxaanay bahda waxbarashadda Somaliland u tahay faan iyo guul.

Ardayda dugsiyadda sare ka soo baxay oo noqonaya tiradii ugu badnayd oo ah 14 kun iyo dheeraad” ayuu yidhi guddoomiyaha jaamacadda Admas faraceedda Hargaysa.

Geesta kale guddoomiyaha jaamacadda Admas, waxa uu sheegay in jaamacad ahaan ay ardayda dugsiyadda sare soo dhamaystay u diyaariyeen kuliyadaha kala duwan ee waxbarashadda ay u baahan yihiin.

 

Leave a Reply