Cilmi Baadhista Xubnaha!

0
189

Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Ingiriiska oo daraasad ka sameeyay dhego la’aanta ayaa sheegay in laga yaabo in dawo loo helo dadka aan dhegaha waxba ka maqal.

Cilmi baadhista oo ay maalgelisay hay’ad u dooda ururada dhegoolayaasha ayaa la filayaa inay guul ku dhamaato.

 

Madaxa kooxda baadhista wada Dr.Marcello  ayaa si kooban u yidhi :” Unugyada cusub ee aanu daraasadda ku samaynay waxa ay noo fududaynaysaa inaan helo farsamo cusub oo aanu ku gaadhsiino dawo xubnaha dhintay ee dhegaha dhexdooda ah sida durbaanka dhegta.

Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in dawo loo helo dhego la’aanta ay muddo qaadan doonto iyagoo wakhtigan baadhis ku samaynaya maqalka xayawaanada kala duwan

Leave a Reply