Fariinta Tuuga Loo Diray Iyo Jawaabta Cajiibka Ah!

0
190

 

Amanda Needham oo iibsatay maskiilad ay ku tagto shaqadeeda ayaa laga xaday iyadoo taayirkii hore iyo silsiladii ku xidhnayd keliya looga tegay. Amnada halkii ay booliiska uga dacwoon lahay murugadeeda waxay ku muujisya inay boodh qiyaas ahaan dhan 8×3 Feet weyn ku dhejiso gurigeed hortiisa kaasi oo ay ku qortay erayadan :” “Farrintani waxay ku socotaa qofkii baaskiiladda iga xaday”.

“Waxaan filayaa inaad iiga baahi badan tahay. Waxaan soo iibsaday iyadoo duug ah, waxaana la iga siiyay $ 200, waxaan doonayay inaan shaqada ku tago, baskiilad kale awood uma lihi inaan iibsado. Marka dambe waxaad xadaa baaskiilad nooca tarmada  “Peugeot” ee qaaliga ah, waxaanad ka xaddaa qof hantiile ah ama waa in aanad mar danbe waxba xadin weligaa. Waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo celiso baaskiiladayda”.

 

Ugu dambeyn, gurigeeda waxaa ku soo garaacay Steven S. Powers oo ah gacansade dhanka farshaxanka ah, waxa uu u soo bandhigay $200 inuu kaga iibsado boodhkii ay gacanteeda ku sawirtay, waana lacagtii ay markii hore ku bixisay baaskiilka, Needham, way ku qanacday, oo way ka iibisay. ( Washington Post)

Leave a Reply