uddoomiyeyaasha Ururada Horseed iyo Shacabka oo ka Hadlay Dabkii Suuqa Wajaale

0
166

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyeyaasha  Urur-siyaasadeedyada Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal iyo  Shacabka Somaliland Maxamed  Warsame ayaa soo  jeediyay in  baadhis  lagu  sameeyo dabkii  ka  kacay Suuqa  Magaalada  Wajaale  oo ay ku shufbeeleen  hantidii  taalay.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan  iyo  Maxamed  Warsame oo shalay  si  wada  jir ah Warbaahinta  ula hadlay  ayaa sheegay in loo   baahanyahay in laga  taxadiro  dabka ka kacaya suuqyadaa dalka ee  soo noqnoqday.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan ayaa  tilmamay in ay muhiim tahay in la  baadho waxa keenay  dabka  qabsaday suuqa Wajaale.Waxaanu yidhi”Masiibo  ayaa  ka dhacday  Suuqa Magaalada  Wajaale, waxaanan ka tacsidaynayaa  dadka  hantidoodu ku gubatay.waxa muhiim ah  wixii   kugu dhaca in marlabaad aanay kugu  dhicin  waa  in  aad  ka  taxatirto,waana  in la baadho oo la helo sababta keentay dabkan  waxaana  muhiim ah in la sameeyo taxadir,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka  shacabka Somaliland Maxamed  Warsame ayaa  waxa uu  ka tacsideeyay dadkii  hantidoodu ku  gubatay Suuqa  Wajaale.Waxaana uu yidhi”Waxa aan ka  tacsidaynayaa dadkaa  waxyeeladu  ka  soo  gaadhay dabkaa  qabsaday  Suuqa  Wajaale,waxa la yaab leh sannadkii horena waxa  gubtay  Suuqa  Waaheen  ee  Hargeysa iyo  meelbadan,”.

 

Leave a Reply