Mareykanka oo war kasoo saaray Heshiiska siyaasadeed ee laga Gaadhay Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland

0
141

Nairobi-(Dawan):- Dawladda Mareykanka ayaa bogaadiyay heshiiskii dhawaan laga gaadhay khilaafkii doorashooyinka Somaliland, kadib socdaal uu shalay sii-hayaha xilka safiirka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya uu ku  yimi  Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Danjire Shane Dixon ayaa Hargeysa kulamo kala duwan kula qaatay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale oo Somaliland ah, xisbiyada mucaaridka Waddani Iyo UCID iyo ururada bulshada rayidka ah, isaga oo ku bogaadiyay heshiiskii laga gaadhay murankii doorashooyinka ee xiisadda ka abuuray gudaha Somaliland.

“Mareykanka waxa farxad galisay heshiiska cusub ee siyaasadeed ee ay kasoo shaqeeyeen odayaasha dhaqanka, kaas oo ah tallaabo toggan oo loo qaaday dhanka doorashooyin xor ah oo xalaal ah,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay safaarada Mareykanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ku-simaha safiirka Shane Dixon uu madaxda sare ee xukuumadda Somaliland ku boorriyay in colaadda sii daba dheeraaneysa ee Laascaanood in loo maro waddo nabadeed, laguna dhameeyo wada-hadal.

“Wadahadal furan iyo u heellanaanta geeddi-socodka dimuqraadiyadda ayaa ah qodobbada aasaasiga u ah bulsho kasta oo nabdoon.” Ayuu yidhi ku-simaha Safiirka Dixon.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply