0
172

Gudaha ka akhri Qodobo ka soo baxay gadhigii Golaha Wasiirrada

 

 

Hargeysa-(Dawan):- Fadhigii 116aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa lagaga hadlay amniga iyo difaaca qaranka isla markaana lagu lafa guray dabkii ay ku shuf beeleen suuqyadii Waaheen Hargeysa iyo Wajaale oo  la isla qaatay in baadhis qoto dheer lagu sameeyo dabka suuqyada guay iyo siday wax uga dhaxayn karaan.

Waxaa kale oo shirkii golaga wasiirada  war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Waxa kale oo goluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxa goluhu lafo guray masiibada dabka soo noq-noqotay ee saamaynta ku yeeshay dhaqaalaha, waxaanu  goluhu isla qaatay in laga feejignaado khasaaraha uu dabku keeno, isla markaana si hufan loo baadho arrimaha dhaliyey ee ka dhexeeya dabkii suuqyada Wajaale iyo Waaheen.

Waxa goluhu soo jeediyey in Hay’addaha dhaqaaluhu mid dawladdeed iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay dardar-geliyaan kobcinta dhaqaalaha dalka, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba.

Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Xannaanada Xoolaha oo ay soo diyaariyeen garyaqaanka guud ee qaranka iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga.

Ugu danbayna waxa shirkaas ka soo baxay qodobbadan:

  1. In la xoojiyo Difaaca Qaranka meelna looga soo wada jeedo, sidoo kalena feejignaan loo yeesho Amniga Gudaha.
  2. Waxa goluhu cod gacantaag ah ku ansixiyey qabyo qoraalka Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.

Leave a Reply