Guddoomiyaha UCID o Kormeeray Suuqii Gubtay Ee Magaaladda Wajaale

0
128

Khadar Cabdi Muuse

Tog-Wajaale (Dawan): Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay booqday Suuqii dhawaan gubtay ee magaaladda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Waxaana kormeerkaasi guddoomiyaha ku wehelinayay xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UCID, waxaanay soo indho indheeyeen baaxada dhibaatadii suuqaasi gaadhay, iyo hawlaha nadifiinta ah ee lagu sameeyay.

Kormeerka guddoomiyaha UCID ku tegay suuqii dhawaan gubtay ee Wajaale, waxaa soo tusay suuqaasi qaar ka mid ah masuuliyiinta guddiga  ganacsatadda Wajaale, iyo xubno kale oo ganacsato ah.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo saxaafadda la hadlay kormeerkaasi kadib ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshadda Wajaale ee ganacsigoodii gubtay in ay isku tashadaan, oo ay is caawiyaan.

Waxaanu ganacsatadda Wajaale ka tacsiyadeeyay dhibaatadii ka soo gaadhay dabkii baabiiyay hantidoodii, isagoona ugu baaqay guud ahaanba bulshadda Somaliland in ay soo waaciyaan dadkaasi.

Waxaanu yidhi “Waan ka xun nahay, waanan ka tacsiyadaynayaa dadkii ay dhibaatadu ku dhacday. Waxaanan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland meel kastoo ay joogaan ba in loo gurmado dadkii meheradahoogii Dabku baabiiyay”.

Waxa kaloo uu sheegay Eng. Faysal Cali Waraabe, in waxyeeladda uu dabku gaysto ay adduunkaba ka dhacdo, sidaas darteedna ganacsatadda reer Wajaale looga baahan yahay in ay wixii caawimo ah iyagu bilaabaan.

“Maqaadiirtu meel kasta way taagan tahay, adduubku ba waa caynkaa.  Dabku wuu inagu batay, markaa in aynu inagu is jeclaano, oo wanaaga is farno, ayaa la inooga baahan yahay.

Musiibadii ka dhacday Wajaale waa la ogaa, iyo tii suuqii Waaheen ba. Waa labadii suuq ee inoogu waaweynaa.

Waxaan ka codsanaynaa dadka reer Somaliland in la soo caawiyo dadkii ganacsiyadoodii ku gubteen Wajaale,  reer Tog-Wajaaloow idinku marka hore bilaaba caawinta dadkii ganacsiyadoodu gubteen, oo guddi ha loo sameeyo”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Guddigaasi markaa kadib ha u gudubto dadka kale ee reer Somaliland iyo dawladu ba in ay caawiyaan dadkaa dabka ku xoolo beelay.

Arrintaa waa in si deg deg ah loo sameeyo. Nabad geliyadiina ilaashadda, sadaqada, iyo Sekada na iska bixiya. Wixii musiibo ah ee dhaca, waa in la iska kaashadaa” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in Somaliland dagaal ay ku soo qaadeen cadowgeedu, isla markaana shacabka looga baahan yahay in ay isku duubnaadaan si aanu cadowgu u soo dhex gelin.

Eng. Faysal, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dagaal na wuu inagu socdaa, oo dadkaa inagu soo duulay, ee nabadeenii aynu haysanay, iyo wanaagii aynu haysanay awgeed nolosha inoo diidayna, ILLAAHAY SWT ha inaga qabto.

Idinku na isku kalsoonaada, oo gacmaha is qabsada, oo yaan la idin kala dhex gelin”.

Leave a Reply