Madaxweyne ku Xigeenka oo ka Qayb Galay Munaasibad lagu Weynayayo Xuska Dhalashada Nabiga (CSW)

0
101

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo magaalada Hargeysa loogu sameeyay xuska Dhalashada Nabigeena (CSW), taas oo sannad walba laga xuso guud ahaan waddamada Islaamka.

Laba iyo tobanka (12) Bisha Rabiicul’awal ee taariikhda Hirjiyada, waxa ay ku beegan tahay maalintii uu dhashay Xabiibkeenii Muxamed NNKH, waxaana inta badan maalintani laga xusaa waddamo badan oo Caalamka ah si loo wayneeyo dhalashada Nabigeena suuban.

Shalay oo Arbaca ah waxa ay ku beegnayd 12 Rabiicul’awal 1445-kii Taariikhda Hirjiga, taasi oo ah maalin si wayn loo xuso dhalashada Rasuulka NNKH, Hargaysa waxa ay ka mid ahayd meelaha sida wayn looga xusay dhalashada Rasuulka NNKH.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay munaasibad lagu waynaynayo dhalashadii Rasuulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH, halkaasi oo ay ka soo qayb galeen bulsho aad u tiro badan, kuwaasi oo qaadayay nashiidooyin ay ku amaanayaan Rasuulkeenii suubanaa NNKH.

Madashaasi waxaa bulshada lala wadaagayay taariikhda Rasuulka iyo sidii uu diinta inoo soo gaadhsiiyay, faa’iidooyinka ay leedahay dariiqa Rasuulka NNKH, oo la raaco iyo wanaaga ku jira in la xuso dhalashadiisa.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo bulshada kala qayb galay xuska waynaynta dhalshada Rasuulka NNKH, ayaa bulshada ku booriyay inay ka qayb qaataan maalmahan oo kale , si loo baro caruurta iyo haweenka taariikhda Rasuulkeenii wanaagsanaa NNKH.

Madaxwayne ku xigeenka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waa maalintii uu Nabigeenii suubanaa Muxamed Ibnu Cabdilaahi NNKH uu dhashay, dhammaanteen waxa ay inoo tahay Sharaf iyo farxad in aynu maanta waynayno ama ka soo qayb galno, xaflada lagu xusayo maalintii dhalashada Rasuulkeenii suubanaa NNKH.

Waxa ka Sharaf iyo qiimo badan ma jirto Nabigii Ambiyadda u danbeeyay ee Koonkan ILLAAHAY u soo saaray ee sidaa culimadu sheegtay ILLAAHII na abuuray inagu amray ee uu yidhi aniga iyo Malaa’ik-tayduba waanu ku salinnaaye ku saliya S.C.W in aynu waynayno, in aan qaradino, in aan xusno waa wax aad iyo aad waajib inoogu ah.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aad waajib inoogu ah oo loo baahan yahay maalintaasi in meel kasta oo la fadhiyo iyo meel kasta oo la joogo lagaga sheekeeyo siirada Nabiga NNKH, caruurta iyo haweenka la farxad galiyo oo laga farxiyo, looga sheekeeyo qiimaha uu lahaa Nabigeenu NNKH, wakhtiga uu dhashay hijrada sida uu u bilaabay, diinta Islaamka sida uu u fidiyay iyo halka uu gaadhsiiyay iyo asxaabtiisii taageersanaa in laga sheekeeyo oo maalintaasi noqoto maalin qiimo wayn u leh.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxa uu sheegay in haddii la xusi waayo maalmaha qiimaha badan ee sidan oo kale ah, ay sababi karto in caruurteena iyo dhalinyaradu aanay aqoon u yeelan, waxaanu yidhi “Hadaynaa xusin caruurtenu ma garan karayaan diinta Islaamka ee ay ku dhaadanayaan ee ay ku dhasheen qiimaha ay leedahay iyo nabigii keenay aduunyadani ee caalamka oo dhan gaadhsiiyay, hadaynaan xasuusinin oo aynaan dabaal-dagyo u samaynin aanay ku jirin macsiyo, waxan leeyahay caruurteenu way iloobaysa.

Ma waxa aynu ka liidanaa kuwa diimaha kale aaminsan ee maalinta ay u asteeyeen sida wayn u xusay ee xafladaha iyo hadyadaha isku baarigaya, in aan ka liidano ma aha ee waa in aynu ka saraynaa oo aynu isku baarigno oo aynu isku hadyayno, laakiinse yaanay noqon maalintii Nabigu dhashay maalin laga garan waayo maalmaha kale waa nasiib daro.”

 

 

Leave a Reply