Nin beerlay ah ayaa saacadiisa gacantu ay kaga dhacday Makhsinka lagu kaydiyo Midhaha beerta. Waxay ahayd saacad dareen gaara ku lahayd naftiisa. Muddo ayuu aad uga baadhay qolka laakiin wuu ka quustay inuu helo. Dhalinyarada beerta uga shaqaynaysay ayuu u balan qaaday inuu siin doono abaal marin qofkii uga soo hela saacadiisa bakhaarka midhaha lagu kaydiyo.
Dhalintaasi ayaa aad ugu dadaashay inay helaan iyagoo mid kasta u baadhay si uu abaal marinta u kasbado, laakiin midkoodna kuma guulaysan waana ay ka quusteen.
Wiil yar oo ka mid ah dhalinyarada beerta ayaa mar kale codsaday inuu dib u baadho, isagoo beerwalaha oo farxsan ayaa u ogolaaday inu mar kale isku dayo .
Muddo yar markii uu baadhayay wiilka yari ayuu isagoo gacanta ku sida saacaddii ku soo noqday ninkii beerta lahaa. Aad ayuu farxay, laakiin wuu yaabay waxaana uu weydiiyay sida auu ku helay?
Waxaana uu ku jawaabay “ Waxba kale maan samayn , waan fadhiistay oo waan aamusay , waxaana aan dhegaysanayay sanqadheeda, taasi ayaa ii suuragelisay inaan maqlo sanqadha saacadda. Ka dibna waxaan ka soo saaray halki aan ka maqlay sanqadheeda. Qisada waxay inoo muujinaysa in marar badan aynu u baahanahay in aan arin kasta xasilooni iyo deganaan lagu gaadhi karo.