2,500 oo muhaajiriin ah oo ku dhintay ama lagu waayey Meditareeniyaanka 2023

0
92

In ka badan 2,500 oo tahriibayaal ah ayaa dhintay ama la waayay iyaga oo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay Yurub ugu gudbaan sanadka 2023, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Ilaa Sebtembar 24, sanadkii hore ilaa sanadkan in ka badan 2,500 oo qof ayaa lagu tiriyaa inay dhinteen ama la la’yahay sidaana waxa golaha Ammaanka u sheegtay,” Ruven Menikdiwela, oo ah agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York.

Tiradaasi waxay muujisay korodh weyn oo ka badan 1,680 muhaajiriin ah oo dhintay ama la la’yahay ilaa september 2022 ilaa September 2023 .

” Sidoo kale dad ayaa ku dhintay dhulka la soo marayo kaas, oo ka fog dareenka dadweynaha,” ayay raacisay.

Socdaalka dhulka ee wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, si ay uga baxaan xeebaha Tunisia iyo Liibiya “ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan adduunka,” ayuu yidhi Menikdiwela.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga “waxay halis u yihiin geeri iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha tallaabo kasta,” ayuu yidhi Menikdiwela.

Isku soo wada duuboo, ilaa 186,000 oo qof ayaa ku yimid badda koonfurta Yurub January ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.

Inta badan, in ka badan 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taas oo muujinaysa korodh boqolkiiba 83% ah marka loo eego isla muddadaas 2022.

Dhanka meelaha laga dhoofo, intii u dhaxaysay January iyo Agoosto ee sanadkan waxaa lagu qiyaasay in in ka badan 102,000 oo qaxooti iyo muhaajiriin ah ay isku dayeen in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee Tunisia iyo 45,000 oo ka yimid Liibiya.

Qiyaastii 31,000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyay badda ama la dhexda lga qabtay oo laga soo dejiyay Tunisia, iyo 10,600 oo Liibiya ah, ayuu yidhi Menikdiwela.

 

Leave a Reply