Qoys ku nool Norway ayaa beertooda ka raadinayey hilqado ama dhego dahab ah oo lumay ayaa helay qalab qadiim ah oo la isticmaali jiray Cahdigii hore ee loo yaqiin Viking-Era.
Ma ay helin dhegihii laakiin waxay si lama filaan ah u heleen qalab kale oo qadiim ah oo lagu qiyaasay inuu jiray in ka badan 1,000 sano.
Qoyskan Aasvik ayaa dhulka ka soo qoday qalabkan, waxaanay noqdeen saddex shay oo dhulka ku aasan qayb ka yihiin aaskii Viking-ka.
Khubarada ayaa rumeysan in farshaxannadan loo adeegsaday aas qarnigii sagaalaad haweeney ku noolayd jasiiradda yar ee Jomfruland.
Daahfurka qalabkan ayaa lagu soo bandhigay geed weyn hoostiisa oo ku yaal badhtamaha beerta qoyskan ee jasiiradda, oo ka baxsan xeebta koonfureed ee Norway.
“Waxaan u hambalyaynaynaa qoyska helay markii ugu horreysay qalabkaa la isticmaali jiray wakhtigii Viking-ka ee laga helay Jomfruland,” Golaha Dhaqanka ee magaalooyinka Vestfold iyo Telemark ayaa ku sheegay qoraal ay soo dhigeen Facebook.
Khubaradu waxay ogaayeen in jasiiraddu ay ahayd deegaamayn soo jireen ah boqollaal sano, laakiin caddayntu waxay dib ugu noqotay qarniyadii dhexe.
Mid ka mid ah khabiirada ayaa ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in tariikhda jasiiradani u dhexayso sanadihii 780 iyo 850.
Saraakiisha ayaa ku ammaanay qoyska Aasvik in ay isla markiiba u sheegeen mas’uuliyiinta wax ku saabsan daahfurka dhifka ah.
Cahdigii ama wakhtigii Viking ayaa lagu tilmaamaa wakhtigii Doonyaha Shiraaq ee ay ku caan baxeen dalalka Norway iyo kuwa kale waana wakhtigii loo yaqaanay middle ages ama qarniyadii dhexe.