Xaflad Loo Qabtay Arday Ka Qalin Jabiyay Jaamacadda Abaarso Faraceedda Burco

0
110

Burco (Dawan): In ka badan 200 oo arday ayaa shalay ka qalin jebiyay jaamacadda Abaarso Umiversity faraceedda magaaladda Burco.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay ardayda qalin jebiyay waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland, maamulka gobolka Tog-dheer iyo ka degmadda Burco, aqoon yahano, ganacsato, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa xaflafaasi ka soo qayb galay maamulka sare ee jaamacadda Abaarso, macalimiinta jaamacadaasi, madax dhaqameed, waalidiinta dhalay ardayda qalin jebinayay iyo marti sharaf kale.

Ardaydan ka qalin jabiyay jaamacadda Abaarso faraceedda Burco, ayaa noqonaya dufcadii shanaad ee ka aflaxay jaamacadaasi qaybteedda magaaladda Burco.

Kuwaasoo ay tiradoodu gaadhaysay in ka badan ilaa 200 oo arday, kuwaasoo ka kala qalin jebiyay kulliyadaha kala gedisan ee jaamacadu bixiso.

Jaamacadda Abaarso University ayaa isugu jirta qaybta waxbarashadda, iyo qaybta cilmi baadhista, taasoo hadda jirtay muddo 13 sanadood, waxaana mudadaasi ka qalin jebiyay kumanaan arday ah.

Guddoomiyaha guud ee jaamacadaha Abaarso Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in jaamacadu ay hadda xarumo shaqeeya ku leedahay magaalooyinka Berbera, Burco, Ceerigaabo, iyo caasimadda Hargaysa oo ay ku leedahay laba xarumood.

Dr. Axmed Xuseen Ciisd, ayaa u mahad celiyay dhamaanba masuuliyiinta kala duwanaa, waalidiinta, iyo madax dhaqameedkii ee xafladda kala soo qayb galay.

Waxaanu yidhi “Dhamaantiin ba martidiina xafladan naga la soo qayb gashay ee nagu sharaftay, waalidiinta ardaydii ay ku soo tabcayeen maanta la qaybsanaya farxadda”.

“Dhamaanba ardayda qalin jebinaysa, masuuliyiinta naga la jooga maamulka gobolka Togdheer, maamulka degmadda Burco, madaxda kale, agaasimaha komishanka Tacliinta sare ee Somaliland inagala jooga, oo isagu markhaati ka ah halkii aanu jaamacada ka soo bilawnay.

Dhamaantiin ba aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa. Waad na sharfteen, waanad ku mahadsan tihiin” ayuu yidhi Dr. Axmed Xuseen Ciise.

Geesta kale waxaa xafladaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiin isugu jiray maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, aqoon yahano, siyaasiyiin, iyo xubno ku hadlayay afka waalidiinta dhalay ardayda qalin jebiyay.

Waxaanay dhamaantoodba si weyn u bogaadiyeen waxbarashadda tayadda leh ee ay bixiso jaamacadda Abaarso University.

Gebagebadii munaasibadaasi ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen lavu guddoonsiiyay ardayda ka aflaxay jaamacadda Abaarso faraceedda magaaladda Burco.

Leave a Reply