Maalinba Xaaladda La Jooga Ayaa Laga Shekaysta!

0
186

Dadka taariikhda qora ayaa sheegay in wakhtigii uu Ciraaq u talinayay Xajaaj Binu Yuusuf dadku marka waagu beryo ee ay kulmaan is weydiin jireen su’aalahan : “ Xalay dad mal dilay, ma jiraan kuwo jeedal lala dhacay oo la ciqaabay, kuwo la xidhay iwm. 

Sebenkii Waliid Binu Hashaam uu xukumayay oo Iyana horumar dhinaca nolosha iyo farsamooyinka la gaadhayna ee uu sameeyay wershad gacmeedka, waxay dadku is weydiin jireen samaynta webiyo la jeexo, dhir badan oo manfac leh oo la beero si wershada looga faa’iidysto, beero iwm.

Markii uu talada qabtay Sulayman Binu C/Malik oo isagu aha nin raaxo jecel, oo raashinka iyo guurka jecelna waxay dadku ku sheekaysan jireen “ Raashinka, iyo guurka iyo isbedelada ku dhacaya iyo kordhka qiimahooda markay isugu yimaadaaan fadhiyadood.

Haddaba wakhtigii uu khilaafada hayay Cumar Binu C./casiis waxay dadku is weydiin jireen “ Imisa jis oo Quraan ayuu xifdisan yahay hebel, imisa jeer ayuu Quraanka khatima, habeenkii waradi ma leeyahay, bisha imisa jeer ayuu soomaa, iwm. Sidaas ayay bulshadu ugu jihaysantay kolba masuulkoodu wuxu ku fikirayo ee uu qabanayo.

 

Leave a Reply