Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Gobolka Awdal Ka Hirgelisay Xarun Dhir-kobcin

0
137

Waxyeelooyin kala duwan ayaa waayadan danbe soo gaadhay dhulkeena ama deegaankeenna, kuwaasoo sababay in isbedel weyni uu ku yimid deegaankrenna.

Waxaana dhubaatadaasi loo sibir-saarayaa in ay qayb ka tahay saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda ee guud ahaanba caalamka.

Si waxyeeladani wax looga qabto ayaa wasaaradda Deegaanka, iyo Isbeselka cimiladda Somaliland waxay qaaday tallaabooyin arrimahaa wax lagaga qabanayo.

Tallaabooyinkaasina waxaa ka mid ah in ay wasaaradu goboladda dalka, iyo degmooyinkana ka hirgelisay Seereyaal, iyo xarumo dhirta lagu xanaaneeyo, kuwaasoo lagu diyaariyay nooc kaka duwan oo dhir ah.

Haddaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland ayaa deegaanka Hol-hol ee gobolka Awdal ka bilawday hawl-gal lagu qiimaynayo Carro-guur saameeyey deegaankaasi.

Carro-guurkan oo deegaanka ku sababay Boholo iyo dil-dilaac badan, waxaa booqday si ay ugu kuur-galaan Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda Deegaanka JSL oo uu weheliyo Injineerka guud ee wasaaradaasi.

Qiimeytan ka dib wasaaradda Deegaanka ayaa dhawaan deegaankaasi ka bilaabi doonta wajiga koowaad ee mashruuca Barwaaqo oo dhibaatadaasi wax ka qaban doono.

Waasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa xaruntaasi ka qaban doonta shaqooyin muhiim oo ay ka mid yihiin Fiditaanka Boholaha iyo sidii loo yarayn lahaa Carro-guurka dhulka ku yimaada.

Sida qorshuhu yahay mashruucan ayaa la rejaynaa in dhawaan laga bilaabi doono xarunta dhir-kobcinta ee buurta Libaaxyaley, ay wasaaradda Deegaanku ka hirgelisay.

Agaasimaha Waaxda dhirta iyo Daaqa oo uu wehelinaya Engineer ka guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, iyo isku-duwaha wasaaradda Deegaanka ee gobolka Awdal oo 11-kii bishan September, safar shaqo ku tegay gobolka Awdal ayaa booqday deegaanka Hol-Hol oo laga bilaabi doono wajiga 1aad ee mashruuca Barwaaqo.

Xarunta Kobcinta Dhirta ee buurta Libaaxyaley, ayay masuulyiinta wasaaradda Deegaanku dhawaan ka dhagax dhigeen, deegaanka Hol-hol oo ka tirsan degmadda Boonn, ee gobolka Awdal.

Iyadoona xaruntani lagu kaydin doono dhirta noocyadeedda kala duwan, sidoo kalena waxa kaloo ku lamaan qorshe kale oo lagaga hor tegayo, lagu na xidhayo Googo’a dhulka Seerahaasi ku yaallo ku yimid.

Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Awdal Eng. C/wahaab Xuseen Muumin, ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan hawlaha shaqo ee ka socda xaruntaasi, iyo waxyaabaha ilaa hadda qabsoomay.

Eng. C/wahaab Xuseen Muumin, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa soo gebageboobay wejigii hore ee shaqadda ka socota xarunta Dhir-kobcinta (Nursery) ee buurta Libaaxyalay.  Digooyinkii, iyo wixii kalena waa noo diyaar, maanta na (11-kii bishan)

aanu farta ka qaadnay.

Sidoo kale waxaa isna gebagebo ku dhaw xidhistii qalabka ka hor tagga dhul-goa, ama dooxyadda samaysmaya, iyo wax ka qabashadda Carro-guurka. Seerihii oo aad loo ilaaliyay na waan soo aragnay”.

Geesta kale Eng. C/wahaab Xuseen Muumin, waxa uu sheegay in xaruntani loogu tallo galay in lagu ilaaliyo dhirta Xero-u-dhalanka ah ee dalkeena ee sii dabar-go’aysa, iyadoo na laga heli karro ama lagu kaydiyay nooc kastoo dhurta dalkeenna ka mid ah.

“Xaruntan dhir-kobcinta waxaanu ugu tallo galnay, in aanu ku ilaalino dhirta Xero-u-dhalanka ah ee dalkeena ka sii dabar-go’ysa. Nooc kastoo dhirta ka mid ah waa laga helayaa. Qaybtiisii u horaysay ayaana maanta noo dhamaatay” ayuu yidhi isku-duwaha gobolka Awdal u jooga wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale odayaasha, madax dhaqameedka, iyo waxgaradka deegaanka Hol-hol, ee xaruntaasi laga hirgeliyay ayaa soo dhaweeyay

Waxaanay sheegeen in ay imika ogaadeen faa’iidadda Seereyaashu ay leeyihiin, sidaas darteedna ay soo dhawaynayaan beertan Dhir-kobcinta ee laga hirgeliyay deegaankoodda.

Leave a Reply