Wadamadii hore ee Faransiiska gumaysan jiray oo abuuray isbahaysi milatari

0
111

Dawladihii millateriga ahaa ee saddex dawladood oo Afrikaan ah, kuwaas oo dhammaantood xukunka ka tuuray hoggaamiyeyaashoodii ay reer galbeedku taageersanayeen sannadihii u dambeeyay, waxay ku heshiiyeen inay midba midka kale si gaar ah ama si wadajir ah u caawiyaan, haddii ay dhacdo gardarro dibadda ah ama khatar gudaha ah oo ku wajahan qaranimadooda.

Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Maali, Assimi Goita, ayaa sheegay habbeenimadii Sabtida in uu la saxeexday Axdiga  lagu magacaabo Liptako-Gourma madaxda Burkina Faso iyo Niger, “iyada oo ujeedadu tahay in la dhiso qaab difaac wadareed iyo mid is caawineed.”

“Weerar kasta oo lagu qaado madaxbanaanida dhuleed ee hal ama in ka badan oo qolo qandaraas leh ayaa loo tixgelin doonaa gardaro ka dhan ah dhinacyada kale,” sida ku cad qoraalka cahdiga, sida ay soo xigatay Reuters.

Axdigu waxa uu dhisay Isbahaysi ay ku midaysan yihiin dalalka Saaxil, kaas oo ka kooban saddex waddan oo hore xubin uga ahaa heshiiskii G5 Sahel ee ay Paris taageerto ee Chad iyo Mauritania, kaas oo burburay ka dib afgambi milatari oo isdaba joog ahaa.

Wasiirka difaaca ee Maali, Cabdoulaye Diop, ayaa sharaxay in “isbahaysigan uu noqon doono isku-dhafka militariga iyo dadaallada dhaqaale ee u dhexeeya saddexda waddan,” iyada oo diiradda la saarayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan gobolka Liptako-Gourma, halkaas oo xuduudaha saddexdii derisba kulmay.

Maali iyo Burkina Faso ayaa hore u sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Niger uu noqon doono “ku dhawaaqid dagaal” iyaga sidoo kale, ka dib markii qaar badan oo ka mid ah dalalka deriska la ah Niger ee ka socda Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) ay ku hanjabeen inay u diri doonaan ciidamo soo celinaya madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Bazoum. .

Paris ayaa lagu qasbay in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Maali ka dib markii khilaaf soo kala dhex galay dowladda militariga sanadkii 2020. Horaantii sanadkan, waxa ay sidoo kale ka baxday Burkina Faso ka dib markii madaxda militariga ee dalkaasi ay ku amreen inay baxaan.

 

Leave a Reply