Dowladdaha Somaliland iyo Itoobioya oo Kawada Hadlay Arrimaha Tiknoolojiyada

0
156

Adis-ababa (Dawan) Wasiirka wasaaradda tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, oo hawlo shaqo u jooga magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Itoobiya Dr. Belete Molla Getahun.

Kulanka labada wasiir oo muddo qaatay ayay kaga wada hadleen sidii labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen arrimaha tiknoolajiyadda oo laf-dhabar u ah horumarka dhaqaale ee labada dal.

Kulanka labada wasiir ayaa ku soo dhammaaday isfahan, waxaanay isla qaateen sidii looga wada shaqaynlahaa kor u qaadista adeegyada arrimaha Tiknoolojiyada.

Wasiirka wasaaradda tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarinlaha iyo isla markaana loo casriyaynlaha adeegyada Tiknoolojiga dalka.

 

Leave a Reply