Wasaaradda Beeraha oo ka Qayb-gashay Tababar Kulmiyey Beeraleyda 4 Dal

0
123

 

Hargeysa (Dawan) – Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Maxamuud iyo qaar ka mid ah Beeralayda gobolkaas oo uu hoggaaminayo, ayaa Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi kaga qayb-galay Tababbar loo qabtay Beeralay ka kala socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda.

Tababarka oo socday Sagaal Maalmood, ayaa lagu baranayey hababka casriga ah ee wax loo beero iyo sida xasharaadka loola dagaalamo, ayaa waxa qabatay Hay’adda Care International oo taageero ka heshay Dawladda Denmark.

Tababbarkan oo muhiim u ah Beeralayda Somaliland iyo casriyaynta wax-soo-saarka, ayaa iskugu jira laba qaybood, kuwaas oo kala ah qayb ka qayb-galayaasha wax lagu barayo qoraal ahaan iyo qaybta kale oo ah inay Beeralayda ka qayb-gashay ay ficil ahaan wax u beeraan, si aqoonta Tababbarka lagu siiyey ay u dabaqaan Beeralaydu.

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Sanaag Axmed Maxamed, ayaa sheegay in Tababbarku ku saabsanaa hababka casriga ah ee wax loo beero, hababka loola dagaalamo cayayaanka wax-soo-saarka Beeraha waxyeeleeya iyo Sumaha loo isticmaalo iyo kuwa aan loo isticmaalin.

Hay’adda Care International oo Tababbarkan qabatay, ayaa xidhiidh wada-shaqayneed la leh Wasaaradda H. Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Leave a Reply