Xukuumada oo Buugaagta Manaahijta Waxbarashadda u Qeybisay Dugsiyadda Dawliga ah

0
249

 

Hargeysa (Hargeysa)- Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday qeybinta bugaagta manhajka qaranka ee loogu talo galay degmooyinka iyo gobolada dalka, gaar ahaana ardayda wax ka barata dugsiyada dawliga ah.

Buugaagtan oo tiradoodu dhamayd 390261 buug ayaa ah buugaag uu madaxweynaha JSL ugu talo galay in la gaadhsiiyo ardayda kala duwan ee wax ka dhigata dugsiyada dawliga ah.

Munaasibada lagu ambabixinaayay buugaagtan ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada Prof Axmed Maxamed Diiriye Toorno, Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarasahada iyo xubno ka mida agaasime waaxeedka wasaaradda waxbarashada.

Agaasimaha waaxda waxbarashada tooska iyo Agaasimaha waaxda xog-isgaadhsiinta oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay deegaamada buugaagtan lagayn doono iyo sida loo qaybinayo.

Wasiirka Waxbarashada Prof Axmed Toorno iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasahda oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in buugtan loogu talagalay ardayda kala duwan ee dugsiyada dawlada wax ka dhigata, iyagoo fariin u diray gudoomiyeyaasha gobolada iyo maamulayaasha in ay xil wayn iska saaraan sidii buugaagta loo gaadhsiin lahaa ardayda.

“Buugaagta markii hore ardayga ayaa la siin jiray imika waxaa yeelanaya dugsiga, ardaygu marka uu fasalka ka gudbo, dugsiga ayuu ku soo celinayaa, si sannadka dambe arday kale loo siiyo.” Ayuu sheegay Wasiirka Waxbarashada Prof Axmed Toorno.

 

 

Leave a Reply