Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka oo Qaabiley Masuuliyiin ka socday WHO

0
97

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socotay hay’adda  Caafimaadka aduunka ee WHO, agaasimaha guud ayaa waxa kulanka ku wehelinayay agaasimaha waaxda gurmadka degdega ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay dardargelinta mashaariicda ay kawada shaqeeyaan hay’adda  WHO iyo wasaaradda horumarinta Caafimaadka, sida gurmadka xaaladaha degdega ah  iyo  wax qabadkii saddexdii bilood ee u dambeeyay  wixii la qabtey iyo waxa dhiman inla qabto,  isla markana la sameeyo qorshe hawledka saddexda bilood ee u dambeeya iyo taabagelinta  mashriicda hadda hawshoodu socoto iyo sidii xooga loo saari lahaa ka hortaga iyo Xakamaynta Xanuunka xumadda ee dhawanahan ka jirey  gobolka Marodi-jeex iyo goboloda kale qaarkood.

Dhanka kale agaasimaha guud ayaa qalab Caafimaad oo ah dengue RTD Test oo ah qalabka lagu badho xumada  (dengue Fever) iyo agab kale kala wareegay Haayadda Caafimaadka aduunka WHO.

Gaba-gabadii agaasimaha guud ayaa uga mahadceliyay   haayadda Caafimaadka aduunka (WHO) sida ay marwalba u garab taagan tahay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ay uga Caawiso dardargelinta adeegyadda Caafimaadka iyo tababaradiisa iyo sidoo kale agabka iyo daawooyinka Caafimaadka.

Leave a Reply