Israa’il oo shaacisay in 199 Maxbuus ay ka qabsatay Xamaas

0
154

Hargeysa (Dawan) Afhayeen u hadlay Ciidamada Israa’iil oo magaciisu yahay Daniel Hagari ayaa sheegay inay ogaadeen in maxaabiis tiradoodu dhan tahay 199 qof ay gacanta ugu jiraan Ururka Xamaas, kuwaas oo lagu qabsaday dagaalkii Ururkaasi ku qaaday gudaha Israa’iil Sabtidii toddobaadkii hore.

Millatariga Israa’iil ayaa shalay sheegay in maxaabiista ka maqani ay tahay 155 qof, horena waxay Israa’iil u sheegtay in 120 maxbuus ka maqan yihiin, waxaana cad in ilaa hadda aanay Israa’iil xog sugan ka hayn maxaabiista gacanta ugu jira Ururka Xamaas, maadaama oo ay millatariga Israa’iil kolba tiro cusub soo bandhigayaan, waxaanna suurtogal ah in mar kale Israa’iil sheegto in laga haysto maxaabiis ka badan 199 qof ee ay hadda sheegeen.

Leave a Reply