Munaasabadda Maalinta Aragga Aduunka oo Hargeysa lagu qabtay

0
115

Hargeysa (Dawan) Xarunta Hoolka ururka dhallinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa lagu qabtay   munaasabad lagu xusayay Maalinta Arragga Adduunka

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay xuska wacyigelinta maalinta usha cad ee adduunka, oo hal ku dhig looga dhigay oo hal ku dhig looga dhigay ‘la dareen noqo dadkaaga baahiyaha gaarka ah qaba.

Munaasibadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada, guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa, dadka araga naafada ka ah iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mida bulshada araga naafada ka ah ayaa sheegay in Usha-cad ay bulsho badan miciin iyo indhoba u tahay, waxaanay xuseen in dad badani ay ku socdaan, isla markaana ay kaga baydhaan, godadka, dhagxaanta iyo waxkasta oo waxyeelo ka soo gaadhi karto, waxaanay bulshada ku baraarujiyeen in loo baahan yahay markasta lala dareen noqdo.

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mida mudayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in naafanimadu tahay degaanka balse aanay ahayn qofka, waxaanu xusay in qofka deegaanku naafo ka dhigo balse isagu aanu ahayn.

Sidoo kale guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa sheegay in ay tahay maalintii adduunyada oo dhami xasuusanaysay qiimaha ay leedahay Ishu, waxaanu tilmaamay in xoriyada aasaasiga ay ugu horrayso in qofku inta uu kaligii istaago uu dhaqaaqo isla markaana waxa ugu dhaw uu soo qabsado, si uu uga faa’idaysto.

Gaba-gabadii marti sharaftii ka soo qayb gashay munaasibadii lagu weynaynayay xuska maalinta Indha la’aanta adduunka ayaa soojeediyay in la taageero dadka araga naafada ka ah, isla markaana la garab istaago naxariis iyo damqashana loo muujiyo.

Leave a Reply