Xidhiidhka Baahida Iyo Xusuusta Maskaxda!

0
131

Koox cilmi baadhayaal oo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa soo saaray in hoormoonka herlin oo ah ka qaabilsan gaajada  markuu soo baxo ay  maskaxdu kordhiso xusuusta.  Hormoonka ayaa sababay inay maskaxdu soo celiso macluumad badan oo ku kaydsan.

Daraasadda ayaa intaasi ku dartay in calooshu marka ay madhan tahay  ay  hormoonadaasi maskaxda u kordhiyaan inay si firfircooni xusuusta u badiso, iyadoo ku xidhan baahida jidhku u qabo inuu helo raashin uu qaato awgeed.

Daraasadda aya intaasi ku dartay inay tani qofka u sahalayso inuu dhakhso u xusuuto arrimo badan oo ka maqnaa ama halkii uu raashin uu cuno ka heli lahaa. Waxase weli ay garan la’ yihiin xidhiidhka ka dhexeeya gaajada iyo xusuusta. Laakiin waxa la isla qiray in baahidu ay tahay tan keenta horumarka iyo xal u helidda mushkuladda taasi oo xidhiidh la leh maskaxda.

Leave a Reply