Israa’iil oo Kuuriyada Waqooyi ku eedaysay in Xamaas ay adeegsanayso Hubkeedii

0
107

Safiirka Israa’iil u fadhiya Kuuriyada Koonfureed ayaa aaminsan in hubkii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku weerartay Israa’iil uu ahaa hub Kuuriyada Waqooyi lagu sameeyey, balse Pyongyang ay beenisay eedeymaha ka soo baxay dhanka internetka oo ay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Akiva Tor, oo ah safiirka Israa’iil ee ka hawl-gala Koonfurta Kuuriya tan iyo sannadkii 2020-kii, ayaa idaacadda VOA-da ee Kuuriyada Koonfureed khadka taleefoonka ugu sheegtay horaantii todobaadkan in mintidiinta Xamaas ay isticmaalayaan hub ay samaysay Kuuriyada Waqooyi.

“Weerarkii Gaza nagu soo qaadeen waxay isticmaalaan hubka Waqooyiga Kuuriya,” ayuu yidhi Tor. “Wuxuu noqon karaa hubkan Kuuriyada Waqooyi oo Iran yaalay muddo dheer”. “Waanu ku burburin doonnaa hubkan Gaza,” ayuu raaciyay.

Tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar, sawirrada gantaallada F-7 oo la sheegayey in ay samaysay Kuuriyada Waqooyi ayaa ku wareegayay baraha X, ee hore loogu yiqiin Twitter.

Nin isku sheegay inuu baadho hubka oo isticmaala magaca War Noir, ayaa soo bandhigay sawirrada gantaallada iyo qoryaha darandooriga u dhaca, isaga oo ciwaan uga dhigay in ciidamada difaaca Israa’iil ay gacanta ku dhigeen hubkii ay Kuuriyada Waqooyi lahayd oo ay lahaayeen guutada Al-Qassam ee Gaza.

Bruce Bechtol, oo ah sarkaal hore oo sirdoon ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka difaaca Maraykanka, haddana ah borofisar culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Angelo ee gobolka Texas, ayaa VOA email ahaan ugu dheegay in gantaalaha  F-7-ee sawirrada lagu arkay ay u eg yihiin Kuuriyada Waqooyi. asal ahaan, sida uu qabo.

“Waxay u muuqataa in tiro badan oo hubka ah oo Xamaas ay isticmaalayeen uu ka yimid Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yidhi Bechtol.

Bechtol ayaa sii waday in hub badan oo Kuuriyada Waqooyi ay u badan tahay in laga helo Gaza ka dib markii ciidamada Difaaca Israel ay bilaabeen duulaan dhulka ah ee dhulka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa beenisay in hubkeeda ay Xamaas u adeegsatay in ay ku weerarto Israa’iil, iyada oo bayaan ay soo saartay  Jimcihii oo laga sii daayey warbaahinta dowladda KCNA .

Warka Kuuriyada waqooyi waxa uu yidhi “Maraykanka ayaa faafinaya “xan aan sal lahayn oo been abuur ah” oo ah in hubka Waqooyiga Kuuriya loo adeegsaday weerarka Israa’iil si xiisadda Bariga Dhexe ee ay sababtay siyaasaddeeda khaldan ay ugu eedayso dal saddexaad,” ayay tidhi KCNA.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in aanay la yaab ahayn in Xamaas ay u muuqato in ay isticmaalayso hubka Kuuriyada Waqooyi maadaama Pyongyang ay taariikh dheer ku leedahay in ay hub siiso Xamaas, kooxda hubaysan ee Xisbullah ee fadhigeedu yahay Lubnaan iyo Iran oo taageerta labada kooxood.

Hezbollah ayaa burburisay Kamaradaha Ilaalada Israa’iil ee xuduudka Lubnaan xili ay sii kordhayso xiisadu

 

Kooxda Xisbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa Isniintii sheegtay inay bilaabeen inay burburiyaan kaamirooyinka wax duuba ee ku xidhan dhowr goobood oo ciidamada Israa’iil ay ku leeyihiin xuduudka, iyada oo xiisada ay sare u kacday kadib markii uu qarxay dagaalka Israel iyo Xamaas.

Garabka warbaahineed ee Xisbullah ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya kooxo wax tooganaya oo garaacaya oo burburinaya kamaradaha ilaalada ee la dhigay shanta goobood ee xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil oo ay ku jirto mid ka baxsan magaalada Metula ee Israa’iil.

Kooxdan ayaa u muuqata in ay doonayaan in ay ka hortagaan in ciidamada Israel ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ka socda dhanka xadka Lubnaan ka dib maalmo ay isweydaarsadeen rasaas ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof oo ay ku jiraan afar ka tirsan dagaalyahanada Xisbullah ee dhanka Lubnaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii 7-dii October kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku qaadeen koonfurta Israa’iil oo ay ku dileen in ka badan 1,400 oo rayid ah iyo ciidamo Israa’iiliyiin ah, ayaa waxaa soo kordhayay xiisadda ka taagan xadka Lubnaan iyo Israa’iil. Dagaalyahanada Xisbullah ayaa gantaalada lidka taangiyada ku garaacay fariisimaha ciidamada Israa’iil, waxaana ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen deegaanada xuduudka ee dhanka Lubnaan.

Israel iyo Hezbollah waa col dagaal qadhaadh oo bille ah galay xagaagii 2006. Israa’iil ayaa u aragta kooxdan shiicada ah ee ay taageerto Iran khatar degdega ah, iyada oo ku qiyaastay in Hezbollah ay haysato ku dhawaad ​​150,000 oo gantaalo oo gaadhi kara Israa’iil.

Waxaa jira walaac laga qabo in kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto ee Xisbullah ay ku biiri karto dagaalka ka dhanka ah Israa’iil ee bilowday horaantii bishan, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay dhinacyada kale ee Bariga Dhexe in aanay ku biirin colaadda, wuxuuna maraakiib dagaal oo Maraykan ah u diray gobolka, wuxuuna wacad ku maray inuu taageero buuxda siin doono Israa’iil.

Xildhibaan Xasan Fadlallah oo ka tirsan xisbiga Xisbullah ayaa Axadii sheegay in kooxdu ay diyaar u tahay wax kasta oo suurtagal ah, isaga oo intaa ku daray, “ma doonayno in aan shaaca ka qaadno waxa ay tahay tallaabada xigta.” Wuxuu sheegay in tallaabada xigta ee Xisbullah ay ku xidhan tahay waxa Gaza ka socda.

Diblomaasi sare oo Faransiis ah ayaa Isniintii sheegay in xaaladda kacsan ee xadka Lubnaan iyo Israa’iil ay tahay “walaac iyo khatar” wuxuuna ku baaqay in la xakameeyo, ka dib kulamo uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha ku-meel-gaarka ah Najib Mikati, afhayeenka Nabih Berri, iyo taliyaha ciidamada General Joseph Aoun.

 

Leave a Reply