Qof Keliya Ayaa Dad Badan Badbaadin Kara!

0
204

Mar keliya ayay rakaakbka aragagax ku dhacay kuwaasi oo la socday dayuurad hawada ku jirtay oo ay leedahay shirkadda Raven Alaska  ee Maraykanku  , ka dib markii Mas  uu ka soo baxay shandad lagu qarinayay. Maskan ayaa dhex jibaaxay rakaabka argagaxsan.

Laakiin nasiib wanaag gabadh ka mid shaqaalaha Dayuuradda ayaa si fudud uga badbaadisay rakaabka Maskana cadhaysnaa, oo aan markaasi qofna waxba yeelin. Gabadha shaqaalaha ah ayaa la sheegay inay ahayd gabadh hore loogu tababaray inay Masaska iyo abeesooyinka haddii duulimaadka dhexdiisa ay la kulanto.

Duuliyaha ayaa rakaabka u sheegay isla markiiba inay is dejiyaan hawshii Maskana ay dhamaatay lana qabtay qof kastana uu amaan ku yahay dayuuradda dhexdeeda iyadoo markii danbe nabad qab ku degtay madaarkii ay ku jihaysnayd. Waxaana ay muujisay in qof keliya oo khibrad iyo tababar lihi uu badbaadin karo dad tiro ahaan ka badan.

 

Leave a Reply