Xidhiidhka Waalidka Iyo Saaxiibadiisa!

0
148

Abuu Usayd Maalik ibnu Rabiicah as-Saacidi (Rc) waxaa laga soo xigtay inay la fadhiyeen nabiga (SCW) markii uu u yimid nin reer banii Salama ah oo ku yidhi: “ Rasuulkii Allow, Ma jiraan imika waxaan wax ugu gali karo oo wanaag iyo samaan ah labadaydii waalid dhimashadooda kadib?,

Nabigu (SCW) wuxuu ku jawaabay: ” Haa, waa in loo duceeyaa oo dembi dhaaf iyo naxariis loo dalbaa, oo ballankii ay ka tageen la oofiyaa, oo qaraabada xaggooda ka soo jeeda la wanaajiyaa oo wanaag iyo axsaan loo sameeyaa, saaxiibadoodna la xurmeeyaa”. (Abuu Daawuud)

Leave a Reply