Shir lagu Dejinayo Qorshaha Saddex Biloodka Xannuunada Maanka oo lagu Qabtay Hargeysa

0
112

 

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waaxdeeda Caafimaadka Maanka ayaa soo qaban qaabisay shirka Saddex billoodka ahaa ee u dhexeeyay waaxda maanka iyo Guddida heer qaran ee Caafimaadka maanka oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiiradda, ganacsatada qaadlayaasha iyo ururrada maxaliga ah.

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay waxqabadkii waaxda maanka iyo waxyaabihii u qabsoomay Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, Caqabadaha jira iyo sidoo kale waxyaabaha ay Muhiimka tahay in la qabto saddex biloodka soo socda.

Waaxda Caafimaadka Maanka ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wada jir ah loogu helo xal.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka Maanka Dr. Mustafe Maxamed Axmed, ayaa sheegay in shirkani bud-dhig u yahay in la fuliyo qorshaha saddexdii bilood ee hore iyo sidoo kale in la helo qorshe midaysan oo lagu wajahayo saddexda bilood ee soo socda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in mashruucan lagu taageero dadkeenna ka xanuunsanaya Maanka uu yahay mashruuc ay Somaliland leedahay oo aan meel kale laga taageerin.

 

 

Leave a Reply