Golaha Guurtida iyo Rugta Ganacsiga oo Ka Wada Hadlay Wax Ka Qabashada Sicir Bararka

0
94

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada ee golaha guurtida JSL, ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta rugta ganacsiga Somalialnd.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa guddida joogtada ee golaha guurtida ku ammaanay sida fiican ee ay uga war hayaan xaalada dhaqaale ee dalku kolba meeshi ay marayso, iyo ka soo tallo bixinta arrimaha sicir-bararka dalka ka jira.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hawsha sicir-bararka dalka ka jiray ay ka wada hadleen sidii xal loogu helilahaa.

Geesta kale ku simaha guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida JSL Mudane Jirde Siciid Maxamuud ayaa masuuliyiinta rugta ganacsiga uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo ajiibeen dalabkii guddida joogtada, waxaanu xildhibaanku intaas ku daray in wax ka qabashada arrinta sicir-bararka dalka ka taagan kulamo kala duwan ay kala soo yeesheen masuuliyiinta wasaaradda horumarinta maaliyadda JSL iyo guddoomiyaha sariflayaasha Somaliland si xal loogu helo, sicir bararka dalka ka jira.

Mudanayaasha joogtadda ah ee golaha guurtida ayaa inta badan sii shaqeeyay wakhtiga uu gole waynuhu fasaxa ku jiro, si ay ula xisaabtamaan masuuliyiinta Hay’addaha dawalada iyo kuwa xukuumadaba, xogaha ay ka helaan guddida joogtadu masuuliyiintaasi ayaa waxay ay dib ugu celiyaan gole waynaha marka uu furmo, si meelaha u baahan in wax laga qabto ay uga hawl-galaan.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply