Wasiirka Beeraha oo Balanqaad u Sameeyey Beeralayda Dalka

0
130

Berbera (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ka hadlay ahmiyadda nabadgalyadu u leedahay horumarka dalka ayaa balanqaad u sameeyey beeralayda dalka.

Wasiir Cabdiqaadir oo khudbad dheer ka jeediyey Xuska Maalinta Cuntada Adduunka 16 Oktober oo Wasaaradda Beeruhu ku qabatay Magaalada Berbera, ayaa sheegay in Wasaaraddu Mashruuc soconayo 5 sano dhawaan ka bilaabayso Gobollada Saaxil, Daad-madheedh iyo qaybo ka mid ah gobolka Togdheer, kaasi oo ku kacaya Malaayiin Dollar isla-markaana ay Dawladda oo Wasaaradda Beeruhu ka wakiil tahay ka heshay Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW, sidaa awgeed loo baahan yahay in shacabku ilaaliyaan amniga, kana faa’idaystaan Mashaaruucaasi iyo kuwa la midka ah ee dalka ka socda.

Wasiir Cabdiqaadir, wuxuu sheegay in Mashruuca dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha ee baanka KFW ku caawiyey Somaliland uu bilaabmi lahaa bishii September ee sannadkan, balse uu hakad ku yimid, markii dablaydu gashay buurta, hase-yeeshee dedaal Wasaaradda Beeruhu samaysay KFW ku qancay in Mashruucaas si rasmiya loo bilaabo.

Wasiirku marka 1-aad wuxuu sheegay in qorshaha Wasaaradda Beeruhu yahay in Somaliland noqoto dalka Qamadiga ugu badan dibedda u dhoofiya “Waxaanu doonaynaa in dalkani noqdo ka ugu horeeya Afrika ee Qamadiga dhoofiya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Buur fuulistu ma dhibayso Xukuumadda, dhib waxay ku haysaa dadkeena masaakiinta ah ee la caawinayey, markaa buur fuulkaa inaga daaya….”

Wasiirka Beeruhu wuxuu sharraxay Mashruuca laga fulinayo gobollada Saaxil, Daad-madheedh iyo qaybo ka mid ah Togdheer iyo hakadkii hore ugu yimid “Waxaan keenay Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW, waxaanu soo dhamaynay oo aanu kala saxeexanay wax kasta (oo ku saabsan Mashruuca) iyadoo ay bilaabi lahaayeen fulinta Mashruuca bishii September ayaa buurta la fuulay wayna joojiyeen, laakiin xidhiidh iyo tacab badan ka dib, waxay naga ogolaadeen inay yimaaddaan oo ay Mashruuca ka fuliyaan Gobollada Saaxil, Daad-madheedh iyo qaybo ka mid ah Togdheer.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo faahfaahiyey Mashruuc Wasaaradda Beeruhu si wanaagsan u fulisay, kaas oo keenay Mashruucan lagu abaal-mariyo

“KFW waa Hay’ad lacag badan oo Malaayiin ah inagu caawinaysa, waxaanu Mashruucaasi soconayaa 5 sano, waana mashruuc aynu ka faa’idnay mashruucii la odhan jiray ‘Biji’ oo laga fuliyey 19 Tuulo oo u dhexeeya Gabiley iyo Hargeysa, dadka ku nool tuulooyinkaas oo beeralay ah kor-baa loo qaaday hab-nololeedkooda, dhul-bereedkii goo’go’ayna dib-baa loo hagaajiyey.”

Wasiirka Beeruhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu noqonay dalkii ugu horreeyay ee Afrikada madow ah oo Mashruucii la siiyey boqolkiiba boqol sidiisii uga soo baxay, Mashruucan cusubna waa abaal-marintii Mashruucaa hore, markaa reer Saaxil, reer Daad-madheedh iyo reer Togdheer ha ilaashadaan Mashruucaas, waayo? haddaad buuraha fuushaan tacabkaasi dib ayuu inooga noqonayaa.” Ayuu Wasiirka Beeraha JSL uu hadalkiisa raaciyey.

 

 

 

 

 

Leave a Reply