Madaxweynaha Somaliland oo Agaasimeyaasha Guud la Yeeshay Kulan lagu Dardargelinayo Shaqada Qaranka ay u Hayaan

0
172

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa   kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha  dalka.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku bogaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan.

Kulanka Madaxweynaha Qaranku la yeeshay Agaasimeyaasha guud oo is xog-waraysi ayay Agaasimeyaasha guud dhankooda ka war bixiyeen shaqooyinka ay qaranka masuulka uga yihiin.

Waxaanu Madaxweynuhu ku boorriyay in ay shaqada ay dalka iyo dadka u hayaan in ay sii laban laabaan oo ay dedaalkooda kor u qaadaan maadaama ay yihiin mishiinada shaqada ay Xukuumaddu qaranka u hayso cidda dhaqaajinaysa.

 

Kulanka Madaxweynaha Somaliland uu la qaatay Agaasimeyaasha guud ee laamaha Dawladda,waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dawladda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply