Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Xilka Qaadis Sameeyay

0
174

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa  wareegtooyin Madaxweyne  xilalkii kaga qaaday qaar ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku macaabay masuuliyiin cusub.

Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Siciid Gees, wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Turkiga iyo Maxamed Cali Axmed guddoomiye ku xigeenkii gobolka Daad-madheedh.

War-saxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan,ayaa  u dhignayd sidan. “Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta.

Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta(shalay) in aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen ee Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkey iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

  1. In Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilkii hore ee dalka Ethiopia, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga.
  2. In Cumar Cali Cabdillaahi Bade laga bilaabo taariikhda manta(shalay) uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

Leave a Reply