Mashara x Cirro oo Booqday Golaha Guurtida oo uu Xubin Sharaf ka Yahay

0
146

Hargeysa (Dawan) Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shalay  booqday furitaanka Kalfadhigii 83-aad ee golaha Guurtidda Somaliland.

Musharax Cirro oo warbaahintu waydiisay sababta uu u soo booqday xarunta Baarlamaanka, ayaa sheegay inuu yahay xubin sharaf ka tirsan Golaha Guurtidda, sidaas darteedna uu kala soo qaybgalay fadhigiida caadiga ah.

Waxaanu yidhi.“Golaha guurtida xubin sharafeed ka tirsan ayaan ahay, xaq ayaan u leeyahay in aan imaado golaha guurtida, kana qayb galo fadhiyadiisa”

Murrashax Cirro waa markii kowaad ee uu yimaado kana soo xaadiro fadhiga golaha, isla markaana uu la kulmo guddoomiyaha golaha guurtida oo ku sugan fadhiga golaha ku sugan, tan iyo markii uu iska casilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dabayaaqadii sannadkii 2016kii xiligaas oo isku sharraxay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka 2017kii.