Shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka oo Lagu Tababarayo Addeegsiga Xog Ururinta Tignoolajiyadda Casriga ah ee GIS-ka

0
88

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa shalay tababar ku saabsan sidii tignoolajiyadda casriga ah loogu addeegsan lahaa arrimaha deegaanka u furtay xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradaasi.

 

Tababarkani oo socon doona muddo san maalmood ah ayaa loo qabtay 15 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Deegaanka. Tababarkani ayaa mudadda socdo waxaa lagu barran doonaa sidii tignoolajiyadda casriga ah loogu addeegsan lahaa arrimaha deegaanka.

 

Iyadoo na tababarkani uu qayb ka yahay kulamo is-daba joog ah oo la xidhiidha maarayta deegaanka, biyaha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Kaasoo ay si wada jir ah iskaga kaashanayaan wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland iyo haayadda UNDP.

 

Aadan Axmed Xasan, agaasimaha waaxda ilaalinta Deegaanka, ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo tababarkaasi furay ayaa sheegay in addeegsiga GIS-ka Geography information system, iyo deegaanku aanay kala maar-min.

 

“Arrinta GIS-ka Geography information system, iyo deegaanku ma kala maar-maan. Waayadan danbe saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladu waxay deegaanka ku keentay dhibaatooyin aad u fara badan. Waxaana ka mid ah roobabka oo da’aya xili aan ahayn wakhtigii looga bartay, Dabaylo, iyo dil-dilaac dhulka ku yimid, iyo Carro-guur fara badan. Dhamaanba waxyaabahaasi waxaa loo aanaynayaa in ay sabab u tahay isbedelka cimiladu” ayuu yidhi Aadan Axmed Xasan.

 

Waxa kaloo uu sheegay Aadan Axmed Xasan, in GIS-ka loogu tallo galay inuu fududeeyo in la heli karo xogta arrimaha deegaanka ee xiligan la qaadayo, iyo wixii ka horeeyay. iyadoo na lagu ogaanayo isbedelka deegaanka ku yimid.

 

Waxaanu yidhi “Tababarkani waa tababar aad ugu muhiim ah arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda iyo waxyaabaha la xidhiidha. GIS-ka waxaa loogu tallo galay, waa hab computerized ah, oo casri ah. Waxaanu fududaynayaa in aad heli karto xogta xiligan aad qaadayso, iyo wixii ka horeeyay, oo aad ku ogaanayso isbedelka deegaanka ku yimid. GIS-ku waa tool aad muhiim ugu ah wakhtigan casriga ah in xogta deegaanka lagu kaydiyo, la na ogaado maxaa isbedelay”.

 

Ayaanle Shucayb, oo ka mid ah la taliyeyaasha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee mashruucani, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimadda mashruucani, iyo waxyaabaha uu ka shaqaynayo.

Waxaanu sheegay in mashruucani uu ka shaqaynaya arrimo isku dhafan, oo ay ka mid yihiin maaraynta arrimaha deegaanka, biyaha, iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah. Waxaana mashruucan maal-gelisay dawladda Sweden, halka ay hirgelintiisa iska kaashanayaan wasaaradda Deegaanka JSL, iyo haayadda UNDP.

 

Waxaanu yidhi “Tababarkani wuxuu ka mid yahay shirarkii soo socday. Mashruucani ayaa ka shaqaynaya arrimo isku dhafan. Kuwaasoo ay ka mid yihiin maaraynta arrimaha deegaanka, biyaha, iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah. Mashruucani waxaa maal-gelisay dawladda Sweden. Waxaana hirgelintiisa iska kaashanaya wasaaradda Deegaanka JSL, iyo haayadda UNDP.

 

Tababarkan aan maanta (shalay) u joognaa waxa uu daaran yahay sidii GIS-ka ama aqoonta casriga ah ee tignoolajiyadda loogu isticmaali lahaa maaraynta arrimaha deegaanka la xidhiidha. Haday tahay dhibaatooyinka inaga haysta isbedelka cimiladda, iyo dhibaatooyinka kale ee deegaan ee ay abaarraha soo noq-noqday ka midka yihiin, iyo dhir jarista”.

 

Geesta kale Cabdi Abokor Yuusuf, oo ka socday haayadda UNDP ayaa ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah ee maaraynta arrimaha deegaanka la xidhiidha.

Waxaanu yidhi “Tababarkani oo lagu baranayo cilmiga GIS-ka, waa mid aad iyo aad u muhiim ah. Waa tababar aynu doonayno baahida deegaan ee ina haysa ama baahida aynu u qabno xog ururin la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah. Waana tababar idin anfici doona. Rejo weyn ayaanan ka qabaa inaad ka faa’iidi doontaan.

U jeedadda ugu weyn ee laga leeyahay tababarradan waxaa ka mid ah in deegaanka, iyo khayraadka dabiiciga ah labada ba in aynu u addeegsano tignoolajiyadda casriga ah ee xogta lagu ururiyo. Cilmigaasi Juquraafiga oo adduunyadu horumar ka gaadhay, oo xogta ayaa lagu ururiyaa. U jeedadu na waxa weeye xogtaa la qaaday in horumar lagu sameeyo”.

“Tusaale ahaan deegaanka oo kale marka la doonayo in horumar laga sameeyo, waxaa loo baahan yahay in la daba gallo isbedelka deegaanka ku dhacaya, iyo haday tahay Dhulka iyo ka war hayntiisa, iyo caqabadaha ama dhibaatooyinka Dhulka soo waajaha. Waxaana ka mid ah Carro-guur baa ku dhaca, jeex-jeexyo ayaa ku yimaada, oo wax badan ayaa iska bedela Dhulka, iyo waxyaabaha guudkiisa saaran”ayuu yidhi Cabdi Abokor.