Wasaaradda Biyaha oo ka Hadashay Mashaariicda ay Dhameystirtay iyo Tirada kuwada hadda socda

0
142

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda khayradka biyaha JSL, ayaa ka hadashay tirade mashaariic ay gacanta ku haysay oo ay dalka ka fulinaysay, oo isugu jira kuwa dhammeystirmay oo durba laga faa’idaystay, kuwa la dhagax-dhigey iyo qaar la dayactirayo oo gacanta lagu hayo.

Mashaariicdan oo ay ku baxeen malaayiin dollar ayaa laga hirgeliyay gobollada, Selel, Awdal, Maroodijeex, Togdheer iyo Gabiley.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, ayaa u dhigna sidan.

 

“Mashruuca biyo baaldinta Borama oo ay ku baxday 6 Milyen oo dollar, saddex biyo xidheen oo laga hirgeliyay bariga Borama, Ceelka Kalawle kaas oo la dhammeystiray, lagana hirgeliyay gobolka Awdal, ceelka Gargaara-bari ee gobolka Awdal oo dhammaaday, ceelka Geerisa ee gobolka Awdal oo dhammaaday, ceelka Magaalo-cad ee gobolka Awdal oo dhammaaday, ceelka Laagta-mohorda ee gobolka Selel oo imika socda, ceelka Ceel-gaal ee gobolka Selel oo la dhagax dhigey, dhaamka Wado-makaahil ee gobolka Maroodi-jeex oo dhammaaday, dhaamka Ijaara ee gobolka Gabiley oo dhammaaday, ceelka War-cimraan ee gobolka Togdheer oo la dhagax dhigey,”.