Shir-madaxeedkii Midowga Yurub: Dhunkashadii Wasiirka arrimaha debeda Croatia uu dhunkaday dhigiisa Jarmalka ayaa muran gelisay

0
126

Dhunkasho lagu sheegay salaam ayaa muran ka dhex dhalisay shir-madaxeedkii Midowga Yurub ee khamiistii ka dhacayey Berlin. Sawir wadareed la galay gebgebadii shirka ayaa la sawiray Wasiirka arrimaha dibadda ee Croatia oo si la yaab leh u dhunkanaya wasiirada arrimaha debeda Jarmalka.

Gordan Grlić-Radman oo wasiirka Croatia ayaa gacan qaaday wasiiradda arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock, ka dibna inta uu foorarsaday ayuu dhunkaday.

Gordan Grlić-Radman waxaa lagu dhaleeceeyay qaar ka mid ah warbixinnada warbaahinta Croatia, Rada Boric oo ah haweenay u dhaqdhaqaaqada xuquuqda Haweenka ay ku tilmaantay dhacdada “mid aan habboonayn”.

Wasiirka Croatia Mr Grlić-Radman waxa uu difaacay wixii uu sameeyey, wuxuu ku tilmaamay “hab bini’aadantinimo oo diiran,loona wajaho hawl-wadaagtaan”. Waxa uu se dheegay in ay noqotay “daqiiqad xun” waan ka raali gelinayaa “ciddii sidaas u qaaday.”

Ms Baerbock oo wasiirka Jarmalka ahi kama aanay hadlin ilaa hadda waxa dhacay. Waxaanay ahayd Gabadha keliya ee ku jirta Wasiirada. Dadku ma hadal hayaan shirka waxaase aad loo hadal hayaa Dhunkashada gaar ahaan labada dal ee labada wasiir ka soo kala jeedaan.