Dhalinyarada Gobalka Awdal oo ku Baaqay Ilaalinta Nabadda

0
95

Boorama (Dawan)- Dhalinyarada iyo aqoonyahanka ku dhaqan Gobalka Awdal ayaa ka hadaly muhiimada ay leedahay ilaalinta Nabedgalyada guud ahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan ilaalinta amniga gobolka Awdal.

Dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobalka Awdal oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama ayaa waxa ay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan guud ahaan Gobalka Awdal iyo degmada Boorame in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgalyada dalka.

Aqoonyahanka Dhalinyarada Gobalka Awdal ayaa waxa ay sheegeen in aanay diyaar u ahayn in laga abuuro Gobalka wax carqalad ku ah Nabedgalayada, waxaana ay tilaamaameen sida ay lexo jeclo uga qabaan ammaanka iyo nabadgelyada Jamhuuriyaddas Somaliland.

Dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobalka Awdal ayaa waxa in taasi ku dareen in ay qaali tahay ilaalinta nabedgalyada macquulna aanay ahayn in ay gacantooda ku burburiyaan Somaliland oo 32 sanno ka hor ay ku dhiseen Boorama.

Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Gobalka ayaa waxay tilmaameen in Gobalka Awdal yahay hoygii Nabedgalyada isla markaana aanay rabin in wax lid ku ah dadka ay wada dagan yihiin kaga yimaadaan dhinacooda, waxaanay intaasi ku dareen in ay diyaar u yihiin wixii carqalad ku ah Nabedgalyada Gobalka in gacan bira wax lagaga qabto